Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Oo Faafahin Ka Bixiyay hadal ka soo yeedhay Xubin ka mida shaqaalaha Ururka

0
1222
Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee Solla Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)

Hargeysa (HargeisaPress) —Ururka Qarenada Somaliland e SOLLA waa urur ay ku bahooben dhamaan garyaqanada Somaliland waxaan leeyahay nidaam iyo kala sarayn uu sharciga ururku tilmaamayo sida ku cad Qod.7 aad e xerka hoosadka ururka qareenada waana urur u aas aasan mabaadii sharci oo ku dhisan cilmi iyo aqoon sharci mana aha urur siyaasi ah mabaadii’da ururkuna ka mid maaha inuu cid u jawabo.

Sxbkay C.raxman cisman wuxu ka midyahay shaqaalaha Ururka wuxu ku hadlay magaciisa gaarka ah waxaanu yidhi anigoo ka daren cilinaya kulankii wasiradii hore kalamada uu isticmaalay waa daren celin darenkaasina waa mid gaar ah oo isaga ku kooban afka ururkana kumuu hadal oo maaha mid uu ku matalayo ururka balse wuxu ku hadlay magciisa gaarka ah saxafaduna maaha inay u badasho inuu ururku hadlay e waa in ay sida hadalkiisu tahay u sheegan waana qayra sharci in warbaahintu si kale u adeegsado warka c.raxman.

Solla waxay aaminsantahay rayi dhiibashada iyo afkaarta xorta ah wax danbi ahna uma aragto shirka wasiirada hore oo waxay ka mid tahay shirarka iyo rayi dhiibashada uu dastuurku jideeyey sidaa darteed waxaan saxafada uga digaya inaanay u adeegsan warka c.raxman mid ururka qarenada Somaliland e SOLLA ah waxaanan caddaynaya inaanu warkaasi ahayn mid ka soo baxay ururka qarenada Somaliland e SOLLA e uu yahay rayi iyo fikir shaqsi ururkana SOLLA na waxa afkiisa ku hadli kara oo kaliya Guddomiyaha Ururka Qarenada Somaliland e SOLLA cid kalena kuma hadli karto sidaas darteed waxan marlabaad leeyahay kuna war galinaya warbaahinta inaan loo adeegsan warkasi mid ka soo baxay ururka qarenada Somaliland e SOLLA e uu yahay mid shaqsi oo aan ururka lagu matalayn shaqsiguna fikirkiisa xor buu u yahay.

Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) 

Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here