Gudoomiyaha Shirkada DP World Ee La Wareegtay Maamulka Dekeda Berbera Oo Warbixin Kaso Saaray Heshiiskii Dekeda Berbera Iyo Kulan Uu La Yeeshay Madaxwaynaha Somaliland

0
845

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha shirkada DP World Mr. Sultan Bin Sulaymen ayaa shaaca ka qaaday in maalgelinta dekeda Berbera oo jiidan doonto khadad maraakiib dheraad ah ee Bariga Afrika, taasoo casriyeyntu abuuri doonto hanaan koritaan dhaqaalaha Somaliland iyo gobolka-ba.

 

Qoraal shirkada DP World soo saartay shalay oo faahfaahin lagaga bixiyey muhiimada socdaal Guddoomiye Mr. Suleymen iyo madax sare oo shirkada ka socda ku tageen Somaliland ayaa lagu bilaabay:

 

“Booqashada Gudoomiyaha DP World waxay la xidhiidhay saxeexida heshiis lagu horumarinayo dekedda Berbera, oo caawin doona dhaqaalaha geeska Afrika.

 

Mr. Sultan Bin Sulaymen ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilligii uu booqashada ku tegay dalka, ka dib heshiis isfaham ku wada saxeexdeen magaalada Dubai, horaantii bishan maalgelin dhinacyo badan oo dekedda Berbera.

 

Mr. Sulaymen iyo saraakiil sar-sareoo ka socday shirkadda DP World ayaa lagu casuumay qasriga Madaxtooyada Somaliland, isla markaana kula kulmeen xubno wasiirro iyo masuuliyiin sare oo ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr Sacad Cali Shire; Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi; Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Adan; Wasiirka Qorsheynta Cali Xuseen, Wasiirka Ganacsiga Xuseen Aadan Cigge. Weftiga ayaa sidoo kale booqday dekeda Berbera, oo soo dhoweyn balaadhan kala kulmeen Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor).

 

Qoraalka isfahamka ayaa dhigaya abuuritaanka shirkad wadajir  maalgelin & maarayn ugu samaynaysa dekeda Berbera, awoodna u siin doonta gaadhitaanka inay noqoto xarun ganacsi iyo xarun khidmad goboleed. Mashruucan oo lagu maalgelinayo dhaqaale gaadhaya $ 442 milyan dollar ayaa wejiyo yeelan doona, kuna xidhnaan doona shaqada dekedu qabato. Waxa kale oo ku jiri doona goob ganacsiga (free zone), si loo caawiyo inay taageeraan horumarinta wadooyinka ganacsiga Berbera (Berbera corridor).

 

Guddoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa yidhi “Geeska Afrika iskaashi ganacsi soo-jireen ah ayaa u dhexeeyey Dubai. Waxaan ku faraxsanahay inay taageerno heshiis iskaashi balaadhan imaarada Dubai la saxeexatay Somaliland, oo dhinacyo kala duwan yeelanaya.Maalgashiga dekedda Berbera oo biyo gun-dheer oo dabiici ah leh ayaa soo jiidan doonta khadadka maraakiibta dheeraad ah ee Bariga Africa, taasoo casriyeynta abuuri doonto koritaanka dhaqaalaha Somaliland helitaanka boqolaal fursado shaqooyin cusub dhalinyarrada xilligan iyo jiilasha dambe.”

 

Heshiiska ayaa qeyb ka isfaham laba dawladood dhex-maray Imaarada dubai iyo xukuumada Somaliland, oo kobcinaya xidhiidhkooda  istiraaji.

 

Maalgelinta shirkada DP World ayaa sidoo kale qeyb ka yihiin wada shaqeyn laga yeesho dhinacyada beeraha, warshadaha, wadooyinka iyo dalxiiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here