Gudoomiyaha , Ku Xigeenka Iyo Hogaanka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Wadani Oo Si Rasmi Ah Loo Doortay + SAWIRRO

0
889

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirwaynihii dhalinyarada heer qaran ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ilaa subaxnimadii saaka ka Socday Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa gebo-gabadii si rasmi ah loogu doortay guddoomiye, ku xigeen iyo hogaanka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani.

wada3

Waxaana madashan oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha xisbiga Waddani, hogaanka xisbiga,xildhibaano, ergooyinka dhalinyarada ee ka kala socday gobalada dalka iyo marti sharaf kale, ayaa waxaa codayn ka dib halkaasi guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani loogu doortay Md.Maxamuud Cabdilaahi Cabdi oo ka socday gobalka Badhan, halka guddoomiye ku xigeena loogu doortay Eng:Saynab Axmed Cali oo iyaduna ka socotay gobalka Awdal.

wadani78

Dhanka kale waxaa halkaasi iyaduna si aqlabiyad ah loogu doortay hogaanka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani oo kala ahaa.

Maxamed Cali Yuusuf oo loo doortay hogaanka maaliyada, waxaana uu ka socday gobalka Maroodi-jeex.

Farax Cabdi Dhoobaale oo iyadana loo doortay hogaanka xidhiidhka ardayda jaamacadaha, kana socotay gobalka Maroodi-jeex.

wada33

Cabdisalaan Axmed Cali, waxaa isna loo doortay hogaanka qorshaynta, kana socday gobalka Salal.

Siciid Jaamac Cali, isna waxaa loo doortay hogaanka abaabulka iyo war-gelinta, kana socday gobalka Togdheer.

Cali Yuusuf Axmed, waxaa isna loo doortay hogaanka xidhiidhka laamaha dibada, kana socday gobalka Sool.

Aftax Siciid Jaamac. Waxaa isna loo doorta xoghayaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani, kana socday Maroodi-jeex.

wadan65

Yaxye Boqor Axmed, isna waxaa loo doortay ku xigeenka xoghayaha garabka dhalinyarada heer qaran, kana socday gobalka Maroodi-jeex.

Maxamed Sidiiq Cabdilaahi, waxaa isna loo doortay afhayeenka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani, kana gobalka Saaxil.

SAYNAB WADA

Waxaa kale oo iyaduna xusid mudan in Maxamed Abiib iyo Maxamed Sidiiq Cabdilaahi oo u tartamaayey guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani, ay tanaasuleen intii ay socotay doorashadu, waxaana ay ka kala yimaadeen gobalada Awdal iyo Saaxil.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here