Gudo-galkii SNM Ee Hargeysa 31 May 1988

0
3260

Hargeisa (Hargeisa Press)- Shalay oo kale oo ay taariikhdu ahayd 31-May waxa ay ku beeganayd 31kii May,1988, taas oo ahayd subaxnimadii ciidamadii Mujaahidiinta ahaa ee SNM habeen hore oo kale oo saq dhexe ahayd ka dhex hilaaceen gudaha Magaalda Hargaysa oo ay ku sugnaayeen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre. Si kale haddii loo yidhaahdo waa sannad guuradii  laba iyo soddonaad (32aad) ee ka soo wareegtay gudo galkii SNM ee magaalada Hargeysa.

Magaalada Hargeysa bandoo casar dheere ah ayay dawladii Siyaad Barre ku soo rogtay. Dadka waxa ka muuqday dareen argagax leh, mana saadaalin karayn sida xaaladu u dhaci doonto. Weerarkaas ciidamada SNM ku soo qaadeen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre waxa uu dhacay goor habeenimo oo habeen hore  oo kale ah  oo inta badan dadka reer Hargaysa hurdeen, waxaana mar kaliya lagu baraarugay dayaanka rasaasta iyo hilaaca hubka la isku ridayay ee ka baxayay Magaalada.

Ciidamadii SNM oo aanay islahayn cududooda ciidan iyo niyad wanaagoodu waxa ay si badheedh ah weerar ugu qaadeen xarumihii Fadhiisimadii ciidamada sida taliska qaybta 26-aad, gaaskii 2-aad ee Birjeex iyo guutada taangiyada,waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo fooda la isdaray.

Weerarkaas ciidamada SNM ku soo galleen gudaha Magaalada Hargeysa oo qayb ka ahaa hawlgul ciidamadii SNM ku soo galleen gudaha magaalooyinka Somaliland, waxa uu noqday habeen naanayso u baxaan  qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii sare ee Ciidamadii Maxamed Siyaad Barre, sida Taliyihii Qaybta 26aad ee ciidamadii Soomaaliya Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo loogu magac daray Cabdi Bile oo ahaa orodyahan Soomaaliyeed oo caan ahaa, taas oo macnaheedu ahaa in Gen. Morgan cagaha waxka dayay cabsi darteed, isaga oo haleeli waayay inuu kaxaysto baabuurtiisii faraha badnayd ee hogganayay hareerihiisa, waxaana habeenkaas xabadii u horaysay ku riday taliska Qaybta Gaadhi uu saarnaa Qori” Grand B” ah, oo uu waday Mujaahid la odhan jiray Caqaar.

Intii aanay SNM soo gelin gudaha magaalada Hargeysa shan maalmood ka hor, waxa ay Hargeysa u soo direen koox sahan ah oo tiradoodu ahayd 18 xubnood, waxaana sahankaas watay Mujaahid Gacmo-dheere, Alle haw naxariiste, waxaanay 18-kaas Mujaahid ka hawl galleen gudaha iyo daafaha magaalada Hargeysa iyaga oo ku sugnaa tan iyo maalintaas 31 May ee ay SNM soo gashay gudaha Hargeysa.

Ciidamada SNM ee Hargeysa soo galay waxa ay tiradoodu ahayd mid aad u yar marka la garab dhigo kuwii Siyaad Barre. Waxay ahaayeen naftood hurayaal doonayey in ay u badheedhaan cudud ka mid ah ciidammadii ugu xooga badnaa Afrika. Ciidamadaas SNM ee Hargeysa soo galay waxa ka mid ahaa rag dhallinyaro ah oo u talaabay ka qayb galka halgankii SNM, ka dib markii ay u adkaysan waayay dulmigii iyo dhibaatadii dawladii Siyaad Barre ku haysay shacabkoodii..

Habeenkaas iyo sidii wax u dhaceen waxa ka sheekeeyay Mujaahidiinta Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Tolwaa) iyo Ibraahim Dhagaweyne.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here