Gudiga Abaaraha Gabiley Ha’yada Qatar Charity Oo Deeqo Gaadhsiyeey Afar tuulo oo ka tirsan Gobolka

0
911
Gobolka Gabiley

GABILEY , (HargeisaPress) —Gudiga abaaraha gobalka gabiley iyo hayada qadar charity ayaa deeqo raashin gaadhsiisay qaar ka mid ah tuuloyin gabiley.

 

maaha markii ugu horaysay ee hayadani iyo gudiga abaaruhu gaadhsiyaan dadka abaaraha baahsani ay haleelen isla markaana la taabalaysan dhibaatada daranyo iyo diif badani ka muuqato hadaba waftiga hayada qadar charity yo gudiga abaaraha oo ay wehaliyaan.

 

Masuuliyaanta heer degmo iyo heer gobal ayaa si wadajir ah deeqaha ugaadhsiyeey dadka la tabaalaysan dhibtaatada abaaraha hadaba deeqdan raashinka ayaa loo qaybiyey 1200 oo qoys oo ka kooban afar kamid ah tuuloyinka gabiley isla markaan deeqdani sidii loogu talo galay ay ugaadhey.

 

Qaar ka mid ah gudiga abaaraha iyo masuuliyinta heer gobal iyo heer degmo ayaa iyaguna hadalo kooban oo iskugu jira gubaabo iyo dhiiri galin u gudbiyey dadka abaaraha ay haleelen iyagoo ku dhiiri galiyey ney waxsoo saartan oo aanay cid kale waxba ka suginugu horayn waxa halkaasi ka hadley maaayar aamin cumar cabdi isagoo aad umahadnaqey hayada qadar charity sida ay uga qayb qaaten abaaraha baahsan ee haleelay gobalada dalka.

 

Sidoo kale waxa isaguna ka hadley xoghaya gudiga abaaraha gobalkani Mudane Xasan Yuusuf Warmahaye oo dhinaciisa iyo gudi ahaan umahadnaqey hayada qadar charity sida mutadacnimda leh ee ay uga qayb qaateen walalooha muslimiinta ee dhibaataysan.

 

Hadaba hayada qadar charity ayaa deeqdan ay bixinaysay ugu talo gashey 2500 oo qoys oo gobalkan saami ahaan u helay.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here