Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Ee G.Wakiillada JSL Oo Xadhiga Ka Jaray Jaamacad Laga Hirgeliyay Boon

0
507

Boon (HP): Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiillada JSL ayaa maanta xadhiga ka jaray jaamacad laga hirgeliyay degmadda Boon ee gobolka Selel.


Xadhig ka jarka jaamacadani waxaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ku wehelinayay wasiir ku-xigeenka waxbarashadda JSL Siciid Bustaale.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay maamulka gobolka Selel, ka degmadda Saylac, maamulka degmadda Boon, madax dhaqameed, aqoon yahano, dhalinyaro, iyo marti sharaf kale.


Jaamacadan ayaa noqonaysa tii u horraysay ee uu yeesho gobolka Selel, taasoo la filayo in ay wax badan ka tari doonto baahiyaha dhinaca waxbarashadda heer jaamacadeed ee uu qabay gobolka Selel.

Cali Xaamud Jibriil, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda JSL oo furitaanka jaamacadaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay in gobolka Selel, jaamacadan laga hirgeliyo.

Waxaanu sheegay in tallaabadani ay muujinayso horumarka dhinaca waxbarashada ay ka gaashay Somaliland, isla markaana ay tahay wax aad loogu farxo.

Sidoo kale Cali Xaamud Jibriil, waxa uu tilmaamay in guulaha u soo hooyday ee ay ku najaxi doonaan bulshada gobolka Selel, ay ka mid tahay Jaamacadani uu maamta xadhiga ka jaray.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here