Faysal Cali Waraabe oo Booqday Fadhiisinka Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Oog

0
544

Oog (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta gaadhay jiidda hore ee fadhiisinka ciidanka qaranka JSL ee degmada Oog.


Waxaanu Eng. Faysal, markii uu halkaagaadhay kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamadda qaranka ee fadhiya degmadda Oog, isagoo na halkaa hadal ka jeediyay.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in waddan na aanu ogolaan karin in dalkiisa dhexdiisa maamul kale laga sameeyo, sidaas darteed aanay Somaliland na aqbalaynin in dalkeedda dhexdiisa maamul laga sameeyo.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu tilmaamay in aanay ciidamadda qaranka Somaliland cid na duulimaad ku ahayn, laakiin ay waajib tahay in aynu xuddudeena sugno.



DAAWO: Hadalka Guddoomiyaha UCID:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here