Madaxweynaha Kenya Oo Soo Xidhay Shirka Cimiladda Ee Dhalinyarada Afrika

0
357

Nairobi (HP): Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa soo gabagabeeyey shirka golaha Cimiladda ee Dhalinyarada Afrika, kaas oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Magaalada Nayroobi.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay dhaq-dhaqaaqyada, hogaaminta iyo hal-abuurka dhalinyarada afrikaanka ah ee wax ka qabashada cimilada.

Hogaamiyayaasha da’da yar ayaa ka qayb-qaatay fadhiyo diirada lagu saarayey cadaalada cimilada, beeraha waara, tamarta dib loo cusbooneysiin karo, adkeysiga, iyo mawduucyo kale oo la xidhiidha cimilada.

Geesta kale dhalinyarada ayaa ansixiyey baaqa dhalinyarada Afrika ka hor inta aan la horgayn Madaxweyne William Ruto, baaqaasi oo ku saabsan aragtida dhalinyarada ee ku aaddan sinnaanta cimilada iyo horumarka waara ee Afrika.

Madaxweyne William Ruto, oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Afrika ay awood u leedahay in ay xoojiso dhaqaalaheeda iyo horumarkeeda, iyadoo la imanaysa xalal caqli-gal ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here