Guddoomiye Ciro Oo Shacabka Djibouti Ku Bogaadiyay Dabaal Dega Maalinta Qaranimada

0
930

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal hambalyo iyo boggaadin ah u diray dawlada Jabuuti iyo dhammaanba shacbigeeda, isaga oo ugu hambalyeynaaya xuska sannad guuraddii 38aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen guumastihii Faransiiska 27/Juun/1977kii, oo maanta ku beegan.

Guddoomiyahu, waxaa uu ku boggaadinayaa dhammaanba ummadda reer Jabuuti iyo dawladoodaba horumarka ay gaadheen mudadaas ay madaxbanaanida haysteen, waxaana uu ku dhiiriyey in ay dedaalka iyo horumarka ay halkaas ka sii wadaan, isaga oo sida oo kalena ku ammaanay dedaalka ay

mar walba ugu jiraan adkaynta nabad-galyada oo dan u ah guud ahaan geeka Afrika.Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu ugu danbeyntii mar kale uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhammaanba shacabka reer Jabuuti iyo dawladoodaba, waxaana uu Illaahay uga baryeyaa in sannadka sannadkiisa ay ku gaadhaan bash bash, horumar, wada-jir iyo barwaaqo.
Allaa Mahad LehXoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani

Muj.Boobe Yuusuf Ducaale

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here