Muqdisho (Hargeisa Press) โ Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ku eedeeyay raโiisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in aanu masuuliyad iska saarin xallinta khilaafka ka taagan doorashada labada aqal ee Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddoomiye aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi, ayaa lagaga warbixiyay caddaalad darrada iyo eexda uu sameeyey raโiisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu kula saftay garabka Raโiisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in raโiisal wasaaraha Soomaaliya looga fadhiyo midaynta guddiyada doorashooyinka ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland oo khilaaf awgii u kala jabay laba garab.
ย โMaanta oo laga joogo bil iyo labaatan maalmood shirkii madasha ee qabsoomay 27.5.2021 waxannu goโaansannay in aan warbixin kooban ka siinno xubnaha Madasha, daneeyayaasha doorashada sida Musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo bulshada Soomaaliyeedba halka uu marayo khilaafkil iyo xal u helidda caqabadaha hortaagan madaxbanaanida doorashada kuraasta labada Agal ee Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo ka mid ahayd saddexdii arrimood ee khilaafku ka jiray muddada dheer,โ ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.
Guddiga, ayaa sidoo kale raโiisal wasaare Rooble ku eedeeyay inu ku guuldarestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.
โSida an dhigayo Qodobka 2-aad, farqadiisa (a) ee heshiiskii 27 May 2021 waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland loo xilsaartay Raโisalwasaaraha, isagoo mar walba la tashanaya Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Raโisal wasaare ku xigeenka.โ
โWaxaanu filaynay in Raโiisal wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Raโiisal Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Somaliland. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,โ ayaa sidoo kale lagu yidhi war saxaafadeedka.
War saxaafadeedka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay illaa dhowr talaabo oo uu Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi uu qaaday si looga dhabeeyo heshiiskii 27 May lagu kala saxeexday Magaalada Muqdisho.