Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo la Kulmay Jaalliyadda Somaliland ee Dalka Denmark + SAWIRRO

0
832

Copenhegan, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo ku gudo jira bilawga safar  dheer oo shaqo oo Guddoomiyuhu isu marayo qaarka mid ah wadamada Europe  ee jaalliyadaha ugu badan ee qurbajoogga Somaliland ku dhaqanyihiin ayaa maanta la kulmay jaalliyadda Somaliland ee dalka Denmark.

30f88a4e-622e-4fcf-8d6e-2a56432b46ea

Kulankan oo ka dhacay magaalada Copenhegan ee caasimadda Denmark waxa si diiran u qaabilay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Gudida Jaalliyadda, kooxo ka mid ah waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo qaybaha bulshada kala duwan ee Jaalliyadda kuwaasoo uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimi guddoomiyuhu.

ff632cc7-77a8-4201-9c53-bd04c8551b8b

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo ugu horayn uga mahadceliyay qurbajoogga sida ay ugu soo dhaweeyeen Denmark iyo xafladda ay ku qaabileen  ayaa ku bogaadiyay jaalliyadda Denmark iyo guud ahaan qurbajoogga doorka waxtarka leh iyo kaalinta ay kaga jiraan dhismaha, dhaqaalaha iyo horumarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland wuxu uga waramay jaalliyadda in ujeedada ugu weyn ee safarkiisa jaalliyadaha Europe ku qotomo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga, ka wadatashiga horumarinta doorka qurbajoogga, wacyigelinta jaalliyadaha iyo inay si fiican isugu xidhmaan Wakaaladda Qurbajoogga iyo jaalliyaduhu.

07747e77-918e-47d9-bb1f-b1a85f8da77c

Guddoomiyaha Wakaaladdu wuxu ku boorriyay jaalliyadda Denmark inay laba jibbaaraan isku duubnidooda, wadajirkooda, waxwada qabsigooda iyo doorkooda ka qaybgalka dhismaha iyo horumarka dalkooda Somaliland ee dhinacyada dhismaha kaabayaasha iyo adeegga bulshada, nabadgelyada, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo ololaha ictiraaf raadinta Somaliland,  Guddoomiyuhu wuxu dhirrigeliyay qaadhaanka dhaqaale ee qurbajoogga ee mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda sida waddooyinka iyo sidoo kale doorka mutadawaciinta dhalinyarada aqoonyahanka ah iyo xirfadleyaasha qurbajoogga.

45ff609b-0cd9-452c-a101-a37c050a5e8e

Dhinaca kale, dadweynaha xafladda ka soo qaybgalay ee jaalliyadda Denmark ayaa su’aalo doora guddoomiyaha ka waydiiyay xagga dalka gaar ahaan dhinacyada horumarka, maalgashiga, nabadgelyada, siyaasadda dawladda ee ku wajahan soo dhawaynta, doorashooyinka iyo diwaangelintaba.  Kulankan ayaa ku dhammaaday jawi is qancin badan iyo farxadi ka muuqato.

 

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo sii wata safarkiisa jaalliyadaha Europe ayaa maanta uga gudbay Denmark dhinaca magaalada Malmo ee dallka Sweden.

 

Xasan Axmed Yusuf

Agaasimaha Fulinta Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland

Hargeisa, Republic of Somaliland

Email: sldiasporagecy@gmail.com

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here