Guddoomiyaha UCID oo Bogaadiyay Hay’adda Sirdoonka Somaliland

0
579
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (HP): Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xalka Somaliland uu ku jiro doorashooyinka isa saarka ah oo wakhtigooda ku qabsooma.

Guddoomiye Faysal, waxa uu sheegay in Somaliland iyadoo dalkeeda difaacaysa ay qabsan karto doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024.

Eng. Faysal, oo maanta warbaahinta la hadlay wuxuu bogaadiyay Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka oo uu tilmaamay inuu shaqadiisa ka soo baxay.

Waxa kaloo uu sheegay Faysal Cali Waraabe, in loo baahan yahay in Somaliland ay dib ugu noqoto oo la isku dhaqo shareecadda islaamka oo ahayd ballan ummadda reer Somaliland ay qaaday xilligii ay ku jirtay halgankii dib u xoraynta dalka.

Geesta kale guddoomiyaha UCID wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay sharci ka soo saarto maamulka dhulka, isagoo dhaliilay shirkii Beesha Ciise ee soo saaray in beesha kale ee ay wada degaan ka guuraan deegaanno ku yaalla gobolka Selel.

Faysal Cali Waraabe, ayaa xusay in dhawaaqaasi khalad ahaa isla markaana loo baahan yahay in nabadgelyo iyo walaalnimo loogu wada noolaado dhulka oo uu carabka ku dhuftay inuu dadka ka wada badan yahay.

Guddoomiye Faysal, ayaa wuxuu ku dooday in Somaliland ay ka guulaysan doonto huwanta ku soo duushay, wuxuuna ku soo jeediyay in la midoobo danta iyo difaaca Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here