Berbera: 450 Dhalinyaro ah Oo Bartay Dastuurka iyo Waddaniyada

0
206

Berbera (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL ayaa magaaladda Berbera tababar ugu soo xidhay 450 dhalinyaro ah oo bartay dastuurka iyo waddaniyadda.

Dhalinyaradaasi oo ka kala socday jaamacadaha iyo dugsiyadda waxbarashadda ee magaaladda Berbera ayaa lagu tababaray dastuurka, iyo waddanoyadda.

Waxaana tababarkaasi u soo xidhay ardaydaasi wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL C/naasir Muxumed Xasan (Buuni), oo ay wehelinayeen maayarka Berbera, badhasaab ku-xigeenka Saaxil, iyo masuuliyiin kale.

C/naasir Muxumed Xasan (Buuni),oo xafladaasi ka hadlay ayaa ugu horayn u hanbalyeeyay ardaydan dhamaysatay barashadda dastuurka iyo waddaniyada.


“Ardayda jaamacadaha iyo dugsiyadda kala duwan ee Saaxil, iyo magaaladda Berbera, oo dhamaystay barashadda dastuurka, iyo waddaniyadda Wiilal, iyo Gabdho ba hanbalyo ayaan idin leeyahay. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan munaasibadan ka soo qayb gallo” ayuu yidhi wasiir Buuni.

Wasiir C/naasir Buuni, ayaa la dar-daarmay ardaydan baratay dastuurka, iyo waddaniyadda. Waxaanu yidhi “Waxaanan idinku dar-daarayaa in cilmigaa aad barateen ee dastuurkii JSL iyo waddaniyadii, idinkoo bartay waxa uu qaranku xaq idiinku leeyahay, iyo waxa aad xaqa ugu leedihiin, inaad bulshadiina uga faa’iidaysaan”.

Geesta kale wasiirka Dastuurka ayaa xusay in barnaamijkani dhalinyarada wadanka, iyo ardayda jaacadaha lagu barayo dastuurka iyo waddaniyada in ay tahay aragtidii iyo hal-abuurkii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Waana aragtidii iyo hal-abuurkii madaxweyne Muuse Biixi, oo markii uu talada wadabka qabtay wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha qaranka ku soo kordhiyay waaxda barashadda dastuurka” ayuu yidhi wasiir Buuni.

Dhinaca kale wasiir Buuni, ayaa sheegay inuu dhamays tiran yahay in barashada dastuurka jamhuuriyadda Somaliland lagu darro dugsiyada waxbarasho ee dalka oo dhan.

Waxaanu yidhi “Waxaa dhamays tiran in barashada dastuurka jamhuuriyadda Somaliland lagu darro dugsiyada waxbarasho ee dalka oo dhan”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here