Hargaysa: Aqoon-is-waydaarsi Ku Saabsan U Doodida Cimiladda iyo Deegaanka

0
223

Hargaysa (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada JSL ayaa qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan u qareemidda iyo u doodida Cimilada iyo deegaanka.

Aqoon-is-weydaarsigan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa furay Agaasimaha Waaxda Isbadelka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Aadan Axmed Xasan.

Waxaana ka soo qayb-galay aqoon is waydaarsigaasi qaar ka mid ah guddida khayraadka dabiiciga ah, Deegaanka iyo Tamarta ee golaha Wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaarradaha ka shaqeeya kheyraadka dabiiciga ah, haayadaha maxaliga ah, kuwa caalamiga ah, dawladda Hoose ee caasimadda Hargaysa iyo sidoo kale qaar ka mid ah jaamacadaha dalka.

Ujeedada aqoon iswaydaarsigan ayaa ah in ay ka qayb galayaashu fahmaan caddaaladd u helida saamaynta Isbedelka Cimilada iyo in Siyaasad dejiyaashu Qorshahoooda ku daraan la tacaalida Isbedelka Cimilada.


Geesta kale wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa qabashadda aqoon is waydaarsigani la kaashatay haayada maxaliga ah ee Nagaad Network.

Aqoon-is-weydaarsigani ayaa ku saabsanaa u qareemidda iyo u doodida Cimilada in siyaasad-dejiyeyaashu ay saamayn ku yeeshaan siyaasaddaha iyo xeerarka iyo caddaaladd u helida saamaynta cimilada.

Waxa kaloo kulankani ka soo qayb galay xildhibaan Cabdikariin Meecaad, oo ah guddoomiyaha Guddiga khayradka dabeeciga ah, Deegaanka iyo Tamarta ee golaha Wakiilada, iyo qaar ka mid ah xildhibaanada guddigaasi,

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here