Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Gaadhay Deegaano Ka Mid Ah Gobolka Sanaag

0
983

Ceerigaabo (Hargeisa Press)  Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta gaadhay gobolka Sanaag, gobolkaas oo dhawaan lagaga mudaharaaday maamulka Puntland.

Socdaalkiisa ayaa wuxuu ku saabsan yahay sidii uu u soo celin lahaa kalsoonii Puntland ay ku lahayd shacabka gobolkaas kadib markii dhawaan halkaasi uu ka dhacay mudaharaadyo lagaga soo horjeeday xil ka qaadistii guddoomyihii hore.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa socdaalkiisa ka bilaabay degmada Dhahar, isagoo halkaas kala kulmay soo dhowayn, inkastoo degaanada qaarkood laga muujiyay diidmo.

Socdaalkiisa ayaa kusoo beegmaya, xilli saraakiil ciidan oo ka soo jeeda gobolkaas ay ka digeen waxay ugu yeedheen faro gelin ay Puntland ku hayso kheyraadka degaankooda.

 

Hargeisa Press Desk/Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here