Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Kala Direy Shaqaalihii Ka Hawl Galayey Diiwaangalinta,Bixinta Iyo Daabacadda Kaadhadhka Codbixiyaha+Sababta

0
1384

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddiga komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa la sheegay in ay mar kale kala direen shaqaalihii ka hawl galayey xarunta komishanka gaar ahaana shaqaalihii ka hawl galayey diiwaangalinta,Bixinta iyo daabacaadda kaadhadhka Codbixiyaha.

Shaqaalahan ay guddigu kala direen ayaa tiradooda la sheegay in ka badnaayeen dhawr iyo afartan shaqaale ah kuwaasi oo ka hawl galayey waaxyo kala duwan.

Guddiga komishanka ayaa shaqaalaha ku wargaliyey markii ay kala dirayeen in ay  mar kale u yeedhi doonaan marka la gaadho wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada madaxtooyada Somaliland oo ay saddexda xisbi qaran,madaxwayne Siilanyo iyo  guddiga komishanku isla qaateen in la qabto 10.10.2017 balse ay hadda muddo kordhintu hor taalo guurtida lana filayo in ay kordhiyaan muddo ka badan muddo la isla qaatay.

Waxaana guddigu shaqaalahan ay u sheegeen in ay fasax yihiin ilaa inta dib looga yeedhayo,waxaana ay u sheegeen in hawsha taalaa badan tahay aanayna u hayn qarashkii ku baxayey shaqaalaha sidaas awgeed ay fasax ahaadaan ilaa inta ay war danbe kasoo saarayaan.

Maaha markii u horeysay ee ay guddiga komishanka qaranka Somaliland kala diraan shaqaalaha ka hawl gala xarunta komishanka,balse guddigan ayaa waxa u taala haw badan oo ay kow ka tahay daabacadda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyaha iyaga oo aan ilaa haddana wax wara kasoo saarin halka ay marayso iyo halka ay ku danbaysay daabacadda kaadhadhka codbixiyaha.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here