Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Xaaladaha Taagan

0
447

Muqdisho (HP): Guddiyada hirgelinta doorashooyinka dalka Soomaaliya  ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay galabta gaadheen maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug sidoo kalena uu taageeray Ra’iisul wasaare Rooble.

 

Go’aankaasi ayay guddigu ku tilmaameen in ay arkaa  mid ku soo aaday wakhti muhiim u ah dalka, isla markaana uu abuuray xaalad isu soo dhawaansho.

War-saxaafadeed ay caawa soo saareen guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya waxa kaloo ay ku sheegeen in xalka wadanku uu ku  jiro in doorasho loo dareero.

Hoos ka akhriso:

“Guddiyada Hergelinta Doorashooyinku wuxuu soo dhoweynayaa go’aamada maanta ay gaareen maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo Raysalwasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya ee ay ku gaareen in dib loogu noqdo hanaankii doorashada ee ku caddaa heshiiskii 17-Sebteembar-2020.

Wuxuu guddigu u arkaa go’aankaan mid ku soo aaday wakhti muhiim u ah dalka, wuxuuna abuuray xaalad isu Soo dhowaansho, isagoo caddeeyey in dadka Soomaaliyeed awood u leeyihiin in ay xalisan karaan arrimaha dhexdooda yaal”.

Waxa kaloo war-saxaafadeedkaasi lagu yidhi, “Ugu danbayn xalka wadanku wuxuu ku  jiraa in doorasho loo dareero, Isla markaana ku salaysan 17- Sebtember. guddiguna wuxuu horeba u diyaariyey dhammaan habraacyadii iyo shuruucdii doorashada lagu geli lahaa”.

Dhinaca kale, guddiga hirgelinta doorashooyinku waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani in ay gacmaha is qabsadaan una guntadaan sidii wadanka doorasho loo wada dhan yahay uga dhici lahayd.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso arintani in ay gacmaha is qabsadaan una guntadaan sidii wadanka doorasho loo wada dhan yahay uga dhici lahayd, si looga kor qaado dadka iyo wadanka culaysyada dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee haysta”.

 

* DHAMAAD***

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here