Guddoomiyaha Xisbiga Wadda Jir Oo U Riyaaqay Go’aankii Raysal Wasaare Rooble

0
383

Muqdisho (HP): Guddoomiyaha xisbiga Wadda jir C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo dhaweeyay maamul goboleedyaddii qaatay go’aankii ay kaga hor yimaadeen colaadii maalmahan ka taagnayd Muqdisho.

Waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay  dhacdooyinkii iyo dhibaatadii labadii maalmood ee u danbeeyay Muqdisho ka dhacay iyo sidoo kale barokacii ka dhashay colaadaasi.

Guddoomkiyaha Wadda Jir, wuxuu soo dhaweeyay inuu raysal wasaaraha Soomaaliya ku raacsan yahay baaqa ah in ciidamadu ay xeryahoodii ku noqdaan.

Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay madaxweyneyaasha maamuladda Hirshabeele iyo Galmudug go’aanka ay kaga   soo hor jeesteen muddo korodhsigii ay dhawaan golaha Shacabka Soomaaliya u sameeyeen haayadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay raysal wasaaraha xukuumadda Farmaajo, taageeradda uu ku raacay  Galmudug iyo Hirshabeele in dib loogu noqdo fulinta heshiiskii 17-kii bishii September.

cid kastoo ka qayb qaadatay in ay yarayso dhiiladii iyo colaadii ka taagnayd Muqdisho.

C/raxmaan Cabdishakuur, oo caawa warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho, waxa kaloo uu mahad celiyay   cid kastoo ka qayb qaadatay in ay yarayso dhiiladii iyo colaadii ka taagnayd Muqdisho iyo cid kastoo ka soo hor jeedsatay muddo kordhinta.

DAAWO: C/raxmaan C/shakuur Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here