Baydhabo (Hargeisa Press): Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha cakiran ee amni darro iyo siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaana magaaladda Muqdisho.
Waxaanay sheegeen in dawladda Koonfur Galbeed ay aad uga xun tahay qalalaasihii ka dhacay magaaladda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.
Sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed waxay cadeeyeen in ay mar walba u taagan yihiin sidii xal waarra iyo nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.
War-saxaafaeed caawa uu saaray madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Lafta Giriin, waxa kaloo lagu sheegay in iyadoo ay tixgelinayaan xasiloonidda dalka ay go’aansatay in la bad-baadiyo dalka, isla markaana doorashana si deg deg ah loo aado, lagana fogaado wax kastoo keenaya khalkhal amni.
Maamulka KGS waxa kaloo ay tilmaameen in ay ka go’an ka shaqaynta doorasho xor ah heshiisna lagu wada yahay, si arrimahaas loo hello waxaan diyaar u nahay in aanu fulino heshiiskii 17-kii September iyo is-fahamkii lagu gaadhay Baydho.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.