Guddida Doorashada Somaliland Oo Cayimay Wakhtiga Diwaangalintu Bilaammayso

0
751

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo diwaangalinta codbixiyayaasha ,kuwaasi oo bulshada baaq u diray.

Shir jaraaid oo ay ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargaysa ayay guddigu shaaciyeen in diwaangalinta codbixinta la qaban doono 21 July 2015ka,iyadoo laga bilaabi doono Gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Md Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in  gobolka Togdheer laga bilaabi doono diwaangalintii codbixinta doorashooyinka Somaliland.

“Maanta oo bisha July tahay 19-2015, waxaanu idiinku yeedhnay inaanu iclaaminno inaanu hadda soo gaadhnay xilligii aanu si rasmi ah u bilaabi lahayn hawlaha diwaangalinta, oo ku beegan 21-ka bishan July ee aynu ku jirno 2015. Waxaanu aasaaskeedu yahay in qalabka la geeyo goobaha, wacyi galinta iyo tijaabin” ayuu yidhi Guddoomiye Iimaan.

gudida doora

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay 21-ka bishan July ay gobolka Togdheer ka bilaabi doonaan wacyigalinta diwaangalinta.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale  sheegay in guddidu diyaar u tahay isu soo dhawaynta dhinacyada ku muransan wakhtiga doorashada Somaliland.

Guddida ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqday is diwaangalinta iyo in laga waantoobo ku celcelinta diwaangalinta.

Wakhtiga ay bilaamayso diwaangalinta ayaa la dareemayaa inaan wax wacyi galin ah lagu samayn dadweynaha is diwaangalinta, waxaana dhawaan soo baxay eedo ku saabsan in Komishanku Ururo si musuqmaasuq ah u siiyay wacyigalinta, hase ahaatee Guddida ayaa sheegaysa inay samayn doonto wacyi galin dadka lagu fahansiiyo diwaangalinta iyo qaabka loo samaynayo.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here