Goleyaasha Degaanka Boorama Baki iyo Salal Oo Tababar Loo Fura

0
724

Boorama (HP): Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo kaashanaysa Hay’adda UNHABBITAT iyo mashruuca maamul daadejinta Dawladda Hoose ee JPLG, ayaa maanta tababar uga furay Magaalada Boorama Xildhibaanada Goleyaasha Degaanka Magaalooyinka Boorama, Saylac, Lughaya iyo Baki.

Tababarkan ayaa ah kii saddexaad ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL u qabato Goleyaasha Degaanka dalka, si kor loogu qaado aqoonta hogaamineed ee Xildhibaanada la doortay.

Shirkan oo muddo 4 cisho ah socon doona waxaa furay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimaro uu weheliyo Agaasime Waaxda Jinsiyadaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Jibriil.

Tababarkan ayay Xildhibaanadu ku baran doonaan hogaaminta Maxaliga ah ee Goleyaasha Degaanka la doortey (local Leadership management), kaasoo mudada uu socdo Xildhibaanadu ku baran doonaan hogaaminta iyo maamulka. Tababarkan waxaa kale oo ka soo qayb galay Maayarada magaalooyinka Boorama, Saylac, Lughaya iyo Baki, dhina kale waxaa soo qayb galay masuuliin ka socdey Hay’adda UNHABBITAT iyo mashruuca maamul daadejinta Dawladda Hoose ee JPLG.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here