Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fadhigii saaka oo Salaasa ah la horgeeyay dufcadii labaad ee gollaha wasiirada xukuumada cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).
Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa guddoominayay Fadhiga oo ay kasoo xaadireen 64 xildhibaan waxaana la horkeenay 29 masuul oo isugu jira Wasiirro, wasiir xigeeno iyo wasiir dawlayaal, waxayna dhammaantood gollaha ka heleen codad isku mid ah oo aqlabiyad weyn, kaddib markii mdi mid loo akhriyay xirfadahooda waxbarasho iyo meelaha ay kasoo shaqeeyeen, iyadoo ay hore ula kulmeen guddiyada gollaha wakiillada Somaliland.
Ansixinta qaybtii labaad ee Wasiirada Xukuumadda oo ka kooban 29 Wasiir, wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dawlayaal, ayaa kala ahaa sidan:-
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Yoonis Axmed Yoonis Muxummad, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda, Cali Jaamac Faarax (Buureed), Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macadanta Eng Axmed Jaamac Barre Rooble, Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Abubakar C/raxmaan Good, Wasiirka W/ Horumarinta Beeraha, Maxamuud Cige Yuusuf, Wasiirka W/ Duulista, Hawadda iyo Horumarinta Madaaradda, Fu’aad Axmed Nuux Nuur, Wasiirka W/Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda dib-u dejitna Arrimaha Bani-aadamnimada, Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac Wasiirka W/Xannaanada iyo Horumarinta Reer Miyiga, Cumar Shucayb Max’ed Cabsiiye.
Wasiiru-dawlaha W.Waxbarashadda, Barbaarinta iyo Sayniska Muxumed Yuusuf Ibraahim Faacuu, Wasiiru-dawlaha W/ Amniga Guddaha, C/rashiid Maxamed Axmed (Magaalo), Wasiiru-dawalaha W/Maaliyadda iyo Horumaritna Dhaqaallaha, Ismaaciil Mawliid C/laahi Xasan,Wasiir-ku-xigeenka W/Horumarinta Beeraha, Mukhtaar Xaaji Muxummad Faarax, Wasiir ku-xigeenka W/Dawlahadaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Axmed Cumar X. C/laahi (Xamarji), Wasiir ku-xigeenka W/Warfaafinta, Dhaqaanka iyo Wacyigelinta, Muuse Askar Guuleed Jaamac, Wasiir ku-xigeenka W/ horumarinta Caafimaadka, Marwo. Samsam Max’ed Saalax Yacniile, Dhunkaal Wasiir Ku-xigeenka W/Diinta & Awqaafta, Jamaal Jaamac Xaamuud, Wasiir ku-xigeenka W/Xannaanada Xoolaha & Horumarinta reer Miyiga, Cali Axmed Cabdi Cantar, Wasiir Ku-xigeenka
W/Dhalinyarada &Ciyaaraha, Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), Wasiir ku-Xigeenka W/Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Wasiir Ku-xigeenka W/Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Sharmaake Cabdi Muuse Maxamed, Wasiir ku-xigeenka W/Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada C/raxmaan Shide Bile Dharaar, Wasiir ku-xigeenka W/ Duulista, Hawada iyo Horumarinta Madaarada Yuusuf Kayse C/laahi Aadan, Wasiir ku xigeenka W/ Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin, Wasiir ku-xigeenka W/Maalgashiga & Wershadaha, Eng Maxamuud Cilmi Xuseen (Huuno) .Wasiir ku-xigeen W/Ganacisga iyo Dalxiiska, Jawhar Siciid Warsame, Wasiir Ku-xigeenka W/Isgaadhssiinta iyo Tiknoolajiyadda, Eng Maaliki Cabdi Xasan Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka W/Xildhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Maxamed Muuse Bucul Bookh, Wasiir Ku-xigeenka W/ Gaadiidka & Horumaritna Jidadka, Maxamed Cabdimaalik Axmed.
Hoos ka akhriso codadka ay heleen Wasiirrada la ansixinayay