Golaha Sarre Ee Dallada SONYO Oo Ku Baaqay In La Ilaaliyo Hir-gelinta Heshiiskii Lagu Soo Af-jaray Khilaafkii Soo Dhex-galay + SAWIRRO

0
840

Boorama, (HargeisaPress) — Golaha Sare ee Dallada SONYO waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 10-kii, October, 2015 Kal-fadhigiisii 31aad ee caadiga ahaa kusoo  gebo-gebeeyay Magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Borama.

Goluhu isagoo ku faraxsan sida quruxda iyo qaayaha badan ee Kulankiisii ugu soo gebo-geboobay waxa uu guddoonsaday qoddobo badan, kuwaasoo  dhammaantood ku aroora horumarinta Dhallinyaradda JSL; iskaashiga iyo  midnimada dhammaan daneeyeyaasha ku hawlan ama ka shaqeeya arrimaha  dhallinyaradda; iyo sidoo kale, kor-u-qaadista tayada iyo waxqabadka  xubnaha bahweynta Dallada SONYO.

DAL SON

Ka dib falanqayn; faaqidaad iyo gorfeyn dhinac kasta ah, waxa uu Kal-fadhiga 31aad ee Goluhu isla qaatay qoddobadan soo socda:

  1. Goluhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa Dhammaan hay’adihii ka qaybqaatay Tartanka Cayaaraha Gobolada JSL; waxa kale oo uu bogaadinayaa doorka shariifka ah ee Wasaaradda Dhallinyaradda,  Ciyaaraha iyo Dalxiiska, xukuumada, Shirkadaha Ganacsiga iyo Maamulada Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolada JSL. Waxa kale oo uu Goluhu amaanayaa kaalinta ay hawshaas qaran ka qaateen magaalooyinka Borama iyo Burco oo iyagu marti-galiyey Ciyaaraha Tartanka.
  2. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa isla markaana kula dardaarmayaa dhammaan kooxaha tartanka Cayaaraha gobolada ka qaybqaadanaya inay dhawraan isla markaana ilaaliyaan amniga, kala-dambeyna, xasiloonida iyo hab-sami-u-socodka tartanka si loo gaadho himilada guud ee tartanka oo ah jihaynta iyo hawl-galinta xooga cuddoon ee da’yarta iyo kor-u-qaadista is-dhex-galka iyo wax-wada-qabsiga dhallinyaradda JSL oo iyagu ah inta ugu badan dadweynaha JSL.
  3. Golaha Sare ee Dallada SONYO, isagoo tixgalinaya isla markaana muhiimad

DALLA SON

balaadhan siinaya midnimada, wada-jirka iyo horu-socodka guud ahaan  bahweynta Dallada SONYO, waxa uu ku baaqayaa in laga wada-shaqeeyo loona midoobo sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii lagu xaliyay khilaafaadkii dhowaan dallada soo galay, isla markaana loo suurto-galin lahaa jawi xasiloon oo ku haboon koboca iyo koriinka Dallada SONYO.

  1. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Xukuumada JSL iyo daneeyeyaasha kale ee

Arrimaha Dhallinyaradda sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha muuqda ee dhallinyaradda Somaliland haysta iyo duruufaha ay la nool yihiin, gaar ahaan kuwa gobolada barri. Goluhu wuxuu ku talinayaa in Miisaaniyada Qaranku tixgalin balaadhan siiso wax-ka-qabashada baahiyaha dhallinyaradda.

  1. Goluhu waxa uu ku baaqayaa in gacmaha la isu-qabsado loona midoobo sidii uu u hirgali lahaa hanaan doorasho oo haboon isla markaana loo fulin lahaa dhammaan qorsheyaasha badhi-taageeraya geedi-socod dimoqraadiyadeed oo wax-ku-ool oo laga dheehan karo dhammaan danaha bulsho-weynta JSL sida dhallinyaradda, haweenka iyo bulshada u baahan in la awoodeeyo.
  2. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa dhammaan maal-geliyeyaasha iyo qaadhaan-bixiyeyaasha arrimaha horumarinta JSL daneeya inay kordhiyaan korna u qaadaan taageerada ay siiyaan JSL isla markaana ay diirada saaraan sidii Somaliland looga dhisi lahaa dhinacyada shaqo-abuurka, isku-filnaanshaha, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta ururada bulshada rayidka ah.

 

Mr. Siyad Cumar Cali

Guddoomiyaha Dallada SONYO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here