Maayarka Gabiley Oo Kulanka Maanta Ka Hor La Sii Dar-daarmay Ciyaartoyga Gobollkiisa + SAWIRRO

0
825

Boorama, (HargeisaPress) — Maayarka degmadda Gabiley Maxamed Ammiin ayaa ciyaartoyda gobollkiisa Gabiley la sii dar-daarmay ka hor kulanka ay maanta la ciyaari doonaan gobollka Selal oo ay ka wada tirsan yihiin Group labaad, ee gobollada Galbeedka.

Kabtanka xulka kubadda cagta gobollka Gabiley Cabdiraxmaan Dhay Lo’aad oo Shabakadda HargeisaPress.com la soo xidhiidhay ayaa u xaqiijiyey in Maayar Maxamed Ammiin uu kula dar-daarmay inay kulanka ay maanta ciyaarayaan ay muujiyaan kubad qurux baddan oo wadata akhlaaq iyo asluub.

“Maayar Maxamed Ammiin waxa uu nagala dar-daarmay kulanka aanu maanta la ciyaarayno gobollka Selal, waxaana uu si aad ah noogala hadlay inaanu la nimaadno akhlaaq iyo asluub iyo ciyaar hanaankeedu sareeyo, waanan uga ballan-qaadnay annaguna taas” ayuu yidhi Kabtan Dhay Lo’aad.

Cabdiraxmaan Dhay Lo’aad
Cabdiraxmaan Dhay Lo’aad

Dhanka kale Maayarka degmadda Gabiley Maxamed Ammiin ayaa uga mahad-celiaya dadweynaha reer Borama iyo Maamulaka Gobollka Awdal iyo ka degmadda Borama sidii wanaagsanayd ee ay ugu soo dhaweeyeen maagaaladda Borama xulka kubadda cagta gobollka Gabiley.

Xaaji Daahir Stadium ayaa galabta la filayaa inay kulan adagi ku dhex-maro labada gobo lee Gabiley iyo Selal oo kulankoodii koowaad ee group-ka labaad yeelan doona, waana gobollka group-koodu uu ka kooban yahay saddexda xul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here