Dhalanteedka Loolanka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Oo Dhaawac Ku Ah Dhismaha Xukuumada iyo Dhursugaalaha Murashaxiinta

0
866

Hargeysa, (HargeisaPress) — Muran kama taagna in Xubno badan iyo Masuuliyiin badan oo Siyaasadoodu marka laga,tago kala aragti duwanaanshaha afkaarta hirdanka ku abtirsanayay bahweynta Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ku kala dhaqaaqeen culayska iyo xafiiltanka mudada badan soo jiitamay, ee doc kulaalka kala jiidashada awooda Xukuumadeed iyo ta Xisbi labadaba taas, oo la kowsatey bilowgii dhismaha Golaha Xukuumada oo gu, kastaaba guga kale u sadgoynayey qanjiidhada,guja reebka, isgarbinta,iyo uur kutaalada joogtada ah oo maalinba maalinta ka dambeysa kasii fogaaneysey heerkii hore islamarkaana,hadba koox cusubi kooxdii hore xaska ka saartey.
Waxaana isu ilgibidhsiga,iyo doc kala riixashadu gaadhey,in dimuqraadiyada iyo doodii kulmiye u xuubsiibato kala qeybsanaan utumo is biirsadey cadaawad, iyo awoodo cusub oo ka barbar abuurmey hogaankii talada dalka oo calaamad su,aal ah ku keenay in go,aankii Madaxweyne Siilaanyo shacbiga ku noqdo dhiil gadaan sudhan oo hadba dhinac qudhqudho u sara joojiya halka dhinaca kalena, cantuugo tuhun ah ku samirsiiya.
Sikasta o ay tahay, waxa magac weyni ugu baxay, hadimooyinka ka dhashey baaxaa dega hirdanka Kulmiye iyo Siyaasiyiinta isu baacsanayey ilaa maalintii Odeygu kursiga ku fadhiistey intii naf iyo maal u hurtey ee tiirka iyo udub dhexaadka u aheyd Xisbiga Kulmiye,iyo taageerada Madaxweynaha oo loo naaneysay fardihii laga Degay,kuwaas oo doc sheedaalinayey shanta sano ee sidkeedu ahaa nabsi is biirsadeyna dhiilasha u buuxsheen waxaana marka xaqiiqda maanta loo gondo dego muuqanaya,isbadelka dabeysha ku hagoogan loolanka xiligan ee Golaha dhexe Kulmiye ku koobay rajada Xisbigaasi oo Xukuumada kusoo badhi faruurey in fashilaad dhab ahi ku waabariisato iyadoo, intii ugu badneyd ee taariikhdeeda khilaafka Xukuumada dhexdeeda iyo ka Kulmiye odxaha usii daadiyey in aan lagaga dabaalan karin in dhayal lagu heli karo midnimo iyo wadajir ay ku gaadhi karaan loolan ay kula baratamaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyadoo Somaliland inta ku abtirsata oo dhami isha ku hayso soo gurya noqoshada Madaxweyne Siilaanyo iyo halka uu geediga furi doono loolanka birta la iska asley, ee Damaca Murashaxiinta Xisbigaasi dhexdiisa oo muhmal badani ka taagan yahay halka xiligan awooda Xukuumadu badheedhe cad ku taageersan tahay,taas oo soo dadajin doonta cimriga Xisbiga Kulmiye rajadiisa dhabta ah iyo jiritaankiisaba, waxaana dhalanteedka hada ku hagoogan hirdanka taagani dhaawac ku yahay mar walba awooda Xukuumada,oo lagu kala saari doono in Madaxweyne Siilaanyo gacantiisa wax ku hadhsan yihiin iyo in ay taladu taalo halka tuhunkeedu yahay taas oo u quus goyn doonta dhursugaalaha Murashaxiinta Badhkeed.

 

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here