Golaha Guurtida oo Ansixiyay Ajandaha Kal-fadhigooda 72Aad

0
929

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey ajnadaha kalfadhigooda 72-aad ee golahaasi.

Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayey mudanayaasha golahaasi waxa ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen ajandaha kalfadhigooga 72-aad ee golahaasi, iyaga oo ku meel mariyey cod aqlabiyad ah, waxaana ka soo xaadiray 51 xildhibaan, iyada oo ay ogolaadeen 49 mudane, halka uu ka maamusay hal xildhibaan guddoomiyuhuna muu codaeyn ajandaha 72-aad ee golahaasina sidaas ayuu ku ansaxay.

Ajandahan ay ansixiyeen mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayey ka mid ayhaayeen siyaasadda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, nabadeynta deegaannada ay shaqaaqooyinku ka jiraan, arrimaha bulshada sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Garsoorka, Illaalinta Deegaanka, Dhiirigelinta Dhaqaalaha, Tamarta iyo Wadooyinlka, kala xadeynta Dhul-daaqsimeedka iyo Beeraha, dhiirigelinta wax soo saarka Waddaniga ah iyo kheyraadka dabiiciga ah iyo qodobo kale oo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here