Gobollada Bari xabbad uma baahnee xal siyaasadeedbay u baahanyihiin !

0
968

Gobolka Sool  waa gobol ka mida deegaanka Somaliland oo ay ku dhaqan yihiin bulsho dhaqan iyo dhaqaale wadaag ay yihiin dhammaan deegaanada kale ee Somaliland. Waa dhul ciid ahaan iyo carro ahaanba ka tirsan dhulweynaha Somaliland. Dan-wadaagta iyo dal-wadaagta dadka la ah ee ku dhaqan Sool waxay ka mid ahaayeen dadkii qarnnimada iyo gooni isu taaga Somaliland hormuudka ka ahaa, gooni goosadkii Jamhuriyadda Somaliland taladiisa iyo go’aankiisa qaybta ka ahaa,  Axdi qarameedkii Somaliland goob jooga ka ahaa. Saluuga siyaasadeed iyo sii fogaanshaha muuqda sababteeda waxa leh siyaasadda ka gaabisay xal u helidda in lagusoo dabbaalo is-qacnin bulsho, saami qaybsi awoodeed iyo in deegaanada ay gaadho duxda dawladnimada Somaliland. Waxa jira tabashooyiin badan oo u baahan dul istaaq iyo gorfayn lexejeclo Somaliland oo deegaanada dalkeena ka mid kaha lagu qacniyo.

 

Sool waxa hagraday  siyaasi xume iyo danayste ka adag nolosha qoyskiisa oo hankiisu yahay aad noolaatid kelidaa maalmo, Deegaanada bari waxay u baahan yihiin in la gaadhsiiyo dhaqaalaha iyo nolosha ka jirta deegaanada kale ee Somaliland, waxa ku dhaqan dad u baahan caddaalad, sinnaan iyo Somaliland dhaxalkeedu yahay wadaag -qarannimo oo aan la kala xigin dheefta iyo dhaqaalaha dalka, dub u dhac badan iyo dayac bulshee ka jira deegaanadaasi waxa waajiba in waxbadan laga qabto si dadka ku dhaqani u dareemaan dayeelka dawladooda. Cashuur- kabkii looga jaray miisaaniyada qaranka  ee ay ahayd in deegaankaa nolosha taal waxa lagaga qabto oo dadka la dareensiiyo dawladnimada waxa lagu daaligaa  laguna  qaybsadaa Hargaysa, waxa calfada rag hudheelo hurda oo aan deegaanka xaaladiisa dan iyo doy ka lahayn.

 

Siyaasad xumada lagu wajaho deegaanada tabashada xalka u baahani ka jirto waxa weheliya oo aanay ahayn in indhaha laga laliyaa Saami qaybsi dhan ka raran oo aan  dheeli tirayn Somaliland, haykalkeena dawladeed  waxa ka muuqata caddalad daro weyn oo aan suuragelin kerin midnimo iyo wadajir ummaddeed. Dadka deegaanka Sool wa xuquuq raadis u baahan gogol lagu gorfeeyo awood qaysbiga leexsan in la saxo oo wax layska waydiiyo Somaliland-tii 1991 lawada lahaa ee gooni isu taageeda goob jooga ahaayeen reer Sool,  haddi is-casamarkaa iyo is-yeelyelka sidani sii socdo dhaxalku wuxuu noqon doonaa Somaliland kala quluuba oo aan sinnaan iyo caddaalad nololeed oolin.

 

Golayaasheena waxa ka muuqata dheeli tirnaan la’aa dhan u badan, darafyada saamiga uga astaysanina wuxuu u baahan yahay in talo qaran laga galo sidii loo qabyo tiri lahaa, si reer Somaliland u sinnaadan oo inta ugu yare e caddaalad lagu wada qanacsan yahay loo heli lahaa. si aynu hore ugu wadno geediga aqoonsiga iyo ictiraafka aynu sahankiisa ku jirray rubuc qarniga. Wasiirada metela deegaanada Somaliland xoogodu wuxuu u badan yahay dhadhaar ka mida dhadhaarada Somaliland, inta deegaanada xuquuqdu ka maqantahay la siiyaa iyagoo kooban haddana intabadan maaha wasiiro tun-weyn oo ka taliya wasaarado muhiima. Waxa inta ugu badan uguna qiimaha badan qaybsaday deegaan gaara.

 

Iima muuqato in xal waara oo sii jira ay keenayso ciidan dul hawaara Laascaanood waxase ka mudan wada hadal talo iyo tabasho is weydiin xal lagu raadsho. Xal ma sii ahaan doono dhiigga maatiyeed oo innaga data kal walba, mushkiladda ugu weyn ee ka taagan Laas-caanood waa siyaasad xumo, waajib waxa ah in la qanciyo reer Sool lagu qanciyo wax wada lahaansho ummaddeed oo lasoo celiyo sidii ay ahaan jirtay ee awoodaha dalku dheeli tiraayeen, Sool uma baahan xabbaad, waxayse u baahantahay xal siyaasadeed, wada hadal ummadded is-qancin. Xasuusta waagii qarannimada la aloosaayay reer Sool waxay ka mid ahaayeen dadkii bud-dhigay ee Somalilanad-ta lagu naaloonayo hormuudka ka ahaa. Qalooca jira iyo qarannimada sii wiiqmaysa tabashadeeda waa in la xoojiya xal u helkeeda.

 

Gobolka Sool dadka reer Somaliland ee ku dhaqan waxa muhiima inay garaad fayow wax ku eegaan oo aanay marnaba ilaawin ciida Sool inay ka mid tahay dhulka Somaliland, dadka deegaan iyo dhalsho ka dhaxaysaana yihiin walalahooda kale ee deeganku  mideeyay. Go’aankii dub ulasoo noqoshada qarannimada Somaliland inay qayb ka ahaayeen, inaanay kaga niyad jabin kagana irdhoobin dalkooda tabashooyinka xalka u baahan ee taagan oo ay sugaan caddaalada xaqsoorta xuquuqdooda. Inaanay dhegaha u raaricin quus joogayaasha dhaafsan waaqica nololeed ee ku dirqiyaaya colaadaha aan cidna dantu ugu jirn oo ay wadahadal iyo walaalnimo ku dabbaalan xaaladooda.

 

Xukuumadda waxa waajib ku ah inay gogoshii nabada ee ay ku baaqday xal waara lagaga baadi goobo sidii laysu qancin lahaa, inaanay marnaba xal keenayn is muquuqnin, muruq iyo awood la adeegsadaa ee gobonnimadu tahay garaw iyo gar qaadasho tomoon oo lagu wada qanco. In awoodda xukuumadda dheeli tir madaxweynuhu ku sameeyo oo ay waafiya uga muuqdaan deeganada tabashadu ka jirtaa, in  dhaqaalaha deegaanka ee miisaaniyada  ugu jiro lagaga jawaabo tabashooyinka jira oo dadka loo abuuro mustqabal hirasho leh oo suuragaleiya is-aaminaada iyo in Somaliland gaadho hadafkeeda. Xabbada iyo xorriyad muquunin maanta maaha maalintii lagu xallin lahaa Sool.

 

Somaliland midaysan, shacab  isku-mabda’a ah, dawladnimada sinnaan iyo caddaalad innagu soorta baahideenu tahay maanta, dawladinimo dheef raadisa oo dhaqaale urursi iyo dhiilo hilasho ku dhisani halka aynu hiigsanayno innagu hubinmayso, wuxuunbaynu ka dhaxli bayhoof iyo balanbal bulsho toobiya la hayaana waaka ee hilinkiisa ay qaaday xukuumaddeena Kulmiye. Ummaddaha Somaliland kalsooni, kalsan iyo kalgacal laysu geliyo ayay ku kaalin gelayaan oo ay kaga iib-gelayaan qaramada dunida.

 

Maxamed Siddiiq Dhamme.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here