London (Hargeisa Press)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay in ay dib u hawl-gelinayaan guddiyadii xisbiyada ee baarlamanka dhexdiisa ka taageeri jiray qaddiyadda dalka Somaliland.
Xildhibaan Gavin Williamson, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada waxaa uu ku sheegay in ay tallaabadan u qaadayaan kadib doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa ka qabsoomeen Somaliland 13kii November 2024.
Sir Given, ayaa waxaa uu caddeeyay in qoddobka koowaad ee ay ka shaqeyn doonaan xilligan uu noqon doono aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Xildhibaan Gavin Williamson oo horena u ahaa Xoghayihii hore ee Gaashaan-dhiga Ingiriiska, ayaa muddo laba jeer ah baarlamaanka UK horgeeyay mooshinno uu ku guubaabinayey baarlamaanku inay ku booriyaan dowladooda sidii ay aqoonsan lahaayeen Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah oo istaahila in Ingiriisku hormuud ka noqdo ictiraafka Somaliland.
Given Williamson oo ah Xildhibaanada ka tirsan xisbiga Conservative ee laga soo doorto South Staffordshire, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta caanka ah ee sida weyn ugu ololeeya aqoonsiga dalka Somaliland.