“Garyaqaanku Waxa Uu Lamid Yahay Boqolaal Qof Oo Ka Horeeyey Oo Xamar U Shaqo Tagay Hadhawna I Cafiya Ayuunbuu Odhanayaa”Wasiiru Dawlaha Arimaha Gudaha Somaliland

0
905

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay garyaqaanki guud ee Somaliland mudane Ibraahin Iidle Salebaan oo madaxwaynaha Somaliland maliintii shalay ahayd u magacaabay gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliya.

 

Wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo wax laga waydiiyay sida ay xukumaddu u aragto arinkaasi ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu garyaqaanku u shaqo tagay magalada muqdisho,waxaana uu xusay inaanu marnaba waxba u dhibi doonin jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

 

Wasiiru dawlaha arimaha gudaha mudane Maxamed Muuse Diiriye oo arimahaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi.

 

“Arintani garyaqaankii guud loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada way dhici jirto dad iska shaqo tagi jiray way jiraan waxaanu lamid yahay boqolaal reer somaliland oo u shaqo tagay xamar, wax dhibaato ah oo u keeni karaana ma jiro Somaliland iyo qarinamadeena toona, waana shakhsi barina I cafiya ayuu odhan doonaa”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriiye

 

Si kasteba ha ahaatee waxaan ilaa hada la garanayn talaabada ay xukumaddu ka qaadi doonto dadka ku dhaqaaqa khiyaamo wadanka ee hadana dib usoo dalbada cafis loo fidiyo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here