Garaad Jaamac: “Saleebaan Cali Koore Waxaan Leeyahay Tallada Dhulbahante Cidna Marti Uga Noqon Mayno”

0
2736

Dharkayn-geenyo (Hargeisa Press)- Garaad Jaamac Garaad Cali oo Khudbad ka jeediyey Munaasibadda Caleemo saarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraalle oo maanta ka dhacday deegaanka Dharkayn-geenyo ee gobolka Sool, ayaa fariimo adag u diray Somaliland iyo Puntland.

Garaadka ayaa si gaar ah uga hadlay hadalo kasoo yeedhay Siyaasiyiin ka socday Somaliland iyo Puntland, Wuxuuna sheegay in aanay dadka deegaanadaasi ka tirsanayn labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.

“Nin ayaa wuxuu arkay Sodohdii oo Xaaskiisa aad ugu diraysa, Markaas ayuu yidhi Sodoheey ku odhan maayee, Ballo aan adiga ahayn Reerku ma Qabo, Waxaan leeyahay Maamulada dhib aan idinka ahayn ma qabno”.

Garaadka ayaa sidoo kale fariin adag u diray Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali (Koore) oo madasha goobjoog ka ahaa, isagoona ugu baaqay in talada Dhulbahante aanay cidna marti uga noqonayn.

Inaadeerkay Saleebaan Cali Koore waxaan leeyahay Tallada dadkeena cidna marti uga noqon mayno, oo nalagu Bajin maayo waa siyaasad, Masiirka dadkayga cidna Marti uga noqon mayno” Ayuu yidhi garaad Jaamac.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here