Ganacsade Maxamed Xasan Ibraahim Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

0
1089

Hargeysa, (HargeisaPress —Alleh ha u naxariistee waxaa xalay abaaro Afartii habeenimo ku geeriyooday cisbitalka weyn ee Hargeysa Marxuum Suldaan/Sheekh/Ganacsade Maxamed Xasan Ibraahim oo xanuun ku soo booday loo dhigay cisbitalka isla xalay.

Alleh ha u naxarisiitee, waxaa uu Marxuumku ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland oo muddo dheer ka soo shaqeeyey illaalinta nabad galyada, isaga oo sida oo kalena ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka, waxaana uu kaalin mugleh ka soo qaatay hirgalinta hanaanka casriga ah ee ganacsiga Somaliland, isaga oo kana mid ahaa wakhti xaadirkan mas’uuliyiinta sar sare ee shirkada Telesom.

Marxuum Maxamed Xasan Ibraahim, waxaa kale oo uu ka mid ahaa culmida waaweyn ee dalka, isaga oo wax badan ka soo qeyb qaatay fidinta diinta Islaamka, waxa kale oo lagu xasuusan doonaa caawinta iyo u gargaarida dadka masaakiinta ah iyo ka qeyb qaadashada horumarka Somaliland,

Alleh ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Ibraaham Fidhin, waxaa uu la filayaa in goor dhow lagu aaso xabaalaha Naaso-Hablood ee magaalaa Hargeysa.

Innaa-Lillaahi wa innaa-Illeyhi raajicuun

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here