Gabiley: “Haddii Horumar Lala Doonayo Daacad Ha Loo Doorto Maayar?

0
562

Gabiley (HP): Waa aqoon yahan ay baddi dadka yaqaana iyo dhalinyaradda ay isku Faca yihiin ba qorayaan inuu yahay qof masuul ah.
Sida Naanaystiisaba ku cad waa nin ku caan ah daacadnimo iyo dun wanaag.
Maayarkii Gabiley iyo magaalooyinka hoos yimaadda horumar gaadhsiin lahaa waa C/rashiid Haybe Faarax (daacad).
Waa shaqsi uu Alle ku manaystay akhlaaq wanaay, dulqaad, dun wanaag iyo dadnimo uu dheeraad u leeyahay.
Waa maayarkii Gabiley kaga dhabayn lahaa ama meesheeda gaadhsiin lahaa magaca dhawaan u baxay ee ah gobolka Cagaarran.
Masuulkii ugu haboonaa ee haddii la rabbo in Gabiley iyo bulshadadeeduba ay badhaadhaan, isla markaana ay horumar muuqda ku tallaabsato waa C/rashiid Daacad.
Inta taqaana ee bulshadda ayaa isku raacsan inuu yahay shaqsigii ugu haboonaa.
Haddii ay maanta golaha deegaanka Gabiley il-duufaan maayarnimadda C/rashiid, waa u guul darro guud ahaanba bulshadda gobolka Gabiley.
Waa fursad Dahabiya oo hortaala degmada Gabiley, maadaama uu yahay masuul la hubo inuu wax badan u soo kordhin doono Gabiley.


Geesta kale, fursadan Dahabiga ah waxay maanta hor taallaa oo ay gacantoodsa ku jirtaa xubnaha golaha deegaanka Gabiley.
Haddii in uun horumar iyo waxqabad lala rabbo Gabiley waa in tanaasul lagu qanciyaa maayarkii hore Maxamed-aamiin Cumar Cabdi.
Balse haddii ay maanta cid kale golaha deegaanka Gabiley maayarka u doortaan waa u guul darro.
Mana jirto rejo la qabo ama laga filan karro in maayarkii hore uu gaadhsiiyo magaaladaasi.
Gebagebadii waxaan tallo ku soo keedin lahaa in waxgaradka, siyaasiyoonta, aqoon yahanka, odayaasha, dhalinyaradda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Gabiley ay meel uga soo wada jeedsadaan sidii xildhibaan C/rashiid Haybe Faarax, loogu guntado inuu noqdo maayarka.
Maadaama oo aanay jirin cid maanta kaga haboon inuu noqdo maayarka Gabiley.
Haddii kale waa in aad reer Gabileyoow ku tallo gashaan oo ay daan sugin wax horumar iyo waxqabad ah.

Waxa qoray: Cismaan Liibaan (Caws Binu Cawf).

Gabiley/ Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here