“Shacabka Sool Si Qurux Badan Bay Isku Muujiyeen Mar Haddii Ay Codkooda Dhiibteen…”

0
520

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay dorashooyinkii bishii hore dalka ka qabsoomay.
Gobolka Sool ayay u ahayd markii u horaysay oo ay si buuxda codbixinta doorashadu uga wada dhacdo degmooyinkiisa.
Badhasaabku waxa uu sheegay in doorashooyinkaasi ay u qabsoomeen si aad u qurux badan oo xataa ka sii wanaagsan sidii la filyay.
Guusha arrintaasi ayuu u nisbeeyay madaxweynaha Somaliland Muise Biixi, oo uu sheegay inuu ku dhiiraday in labada doorasho ay isku mar dalka ka qabsoomaan.
“Doorashooyinkii isbarbar socday ee kala ahaa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada, sidii aynu ka filaynayey iyo si ka sii wacan kana sii qurux badan bay inoogu qabsoomeen.
Inay Doorashooyinkana inoo qabsoomaan waxaan waxaan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo u badheedhay isla-markaana xoogga saaray inuu dalka ka qabto Doorashooyinka, waxaanu kaga dhabeeyey balanqaadkiisii ahaa inuu dalka ka qabanayo Doorashooyinka, isagoo waliba bixiyey wixii kharash ah ee ku baxay Doorashooyinka, ta kale waxaan u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka oo qabtay Doorashooyin aanu xittaa wax muran ahi ka dhicin, sidoo kale Ciidamada, Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland waan u mahadnaqayaa, waxaana dhammaantood ku bogaadinayaa Doorashooyinkaas sida nabadgalyadu ku jirto inoogu qabsoomay”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.
Geesta kale badhasaabka ayaa si gaara ugi hanbalyeeyay bulshadda Sool sidii ay uga qayb qaateen doorashadaasi.

Waxaanu yidhi, “Shacabka reer Sool si qurux badan bay isku muujiyeen, mar haddii ay codkooda dhiibteen,meesha uu baxay is xambaarkii waxaan leeyahay Shacabka reer Sool, Doorashooyinka dambena waa inaad wada qaadataan kaadhka diiwaangelinta,si qof walba u helo kaadhkiisa uu xaqa u leeyahay inuu ku coddeeyo, codkiisana ku dhiibto, una coddeeyo hadba cidduu doonayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here