Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qayb Galay Caleemo Saarka Madaxweynaha Uganda

0
393

Kambaala (HP): Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.
Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa markii shanaad maanta loo dhaariyay xilka madaxweynenimo, kadib markii uu ku guulaystay doorashadii sanadkan dalkaasi ka dhacday.


Waxaana xafladda caleemo saarka ka qayb galay madaxweyneyaal ka kala socday dalalka Afrika iyo diblomaasiyiin caalami ah.
War qoraal ah oo ay madaxtooyadad Soomaaliya ka soo saartay ka qayb galka madaxweyne Farmaajo, ee xafladda caleemo saarka madaxweynaha Uganda.


Madaxweyne Farmaajo, ayaa soo bandhigay doorka dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadanayso xoojinta nabadda iyo horumarinta shucuubta Geeska Afrika.


Waxaanu tilmaamay muhiimadda ay u leedahay dalalka Gobalku in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga, si loo mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo saboolnimada iyo xagjirnimada.
Korna loogu qaadayo nolosha shucuubta dalalkan iyo guud ahaan horumarka Qaaradda Afrika.


Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay madaxtooyadad Soomaaliya ka soo saartay ka qayb galka madaxweyne Farmaajo, ee xafladda caleemo saarka madaxweynaha Uganda.
Geesta kale, madaxweyne Farmaajo, ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dawladda Uganda horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Yoweri Museveni.
Isagoona u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono qorsheyaasha horumarineed ee heer Qaran iyo heer Qaaradeed.


Weftiga madaxweynaha Soomaaliya uu hogaaminayay ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni, waxaa ka mid ah wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan.
Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Uganda Cali Maxamed Maxamuud, La taliyeyaasha Madaxweynaha, xaaska madaxweynaha ahna marwadda koowaad iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.


Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalkeenna iyo dalakla kale.

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here