G/Guurtidda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Is-maamulka Goboladda iyo Degmooyinka

0
531

Hargaysa (HP): Xildhibaanadda golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka is-maamulka goboladda iyo degmooyinka dalka ee xeer LN.23/2002.

Xeerkaasi oo ay hore u soo ansixiyeen golaha Wakiiladu ayay golaha Guurtidu kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyeen.

Fadhigii maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii codka ansixinta loo qaadayay xeerkaasi waxaa ogolaaday 58 xildhibaan.

Cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin, guddoomiyuhu-na muu codaynin, sidaasina waxay golaha Guurtidu ku ansixiyeen kaabista iyo wax ka bedelka xeerka is-maamulka goboladda iyo degmooyinka dalka.

Geesta kale xoghayaha guud ee golaha Guurtidda Somaliland C/naasir Aadan Beegsi, iyo xildhibaan Axmed-daahir Jirde, oo ah guddoomiyaha guddi ay goluhu u xil saareen wax ka bedelka iyo kaabista xeerkaasi ayaa mudaneyaasha waxay sharaxaad ka siiyeen ahmiyadda xeerkani u leeyahay dalka.

Waxaanay sheegeen in ay ku soo sameeyeen naaqishaad, sida ay degmooyinka dalku ugu kala badan yihiin dhinaca wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha.

Xeerka is-maamulka goboladda iyo degmooyinka dalka ee xeer LN.23/2002, ee ay maanta ansixiyeen golaha Guurtidu waxay kaabis iyo wax ka bedel ku soo sameeyeen 16 qodob oo ka mida.

Halkan Ka Daawo Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Oo Akhriyay Qodobadda Ay Wax Ka Bedelka Ku Sameeyeen:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here