Boorama: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Cusbitaal Cusub+Sawirro

0
556

Boorama (HP): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray cusbitaalka Adal International oo laga hirgeliyay magaaladda Boorama.

Cusbitaalkan cusub ee Adal International waxaa hirgelisay jaamacadda barashadda culuumta caafimaadka ee Adal Medical University, jaamacadaas oo xarunteedu tahay magaaladdda Boorama.

Madaxweyne ku xigeenka oo shalay safar shaqo ku tegay Boorama waxaa xadhig ka jarista jaamcadaasi ku wehelinayay wasiirka wasaaradda caafimaadka.

Waxaana munaasibadda xadhig ka jarista ka soo qayb galay  masuuliyiinta jaamacada culuumta caafimaadka ee Adal Medical University, madax dhaqameedka, maamulka gobolka Awdal iyo ka degmadda Booram, masuuliyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo furitaanka cusbitaalkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hirgelinta cusbitaalkan Adal.

Waxaanu C/raxmaan Saylici, balan qaaday in ay ka xukuumad ahaan wixii lala qaban karo cusbitaalkani ay ku taageeri doonaan.

Dr. C/raxmaan Jaamac Xadi, oo furitaanka cusbitaalkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in cusbitaalku uu ka kooban yahay 50 Sariirrood iyo qaybaha daawaynta guud, qaybta haweenka iyo dhalmadda iyo qaybta qaliinka.

Waxaanu xusay in ay cusbitaalka ka hawl geli doonaan dhakhaatiir heer caalami ah, isla markaana bulshadda u adeegi doona.

Siyaasiyiin, madax dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo xubno kaloo iyagna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay cusbitaalkan cusub ee Boorama laga furay.

Waxaanay sheegeen inuu wax badan ka tari doona cusbitaalkani baahiyihii caafimaadka ee ka jiray gobolka Awdal.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY