Fiiro iyo Falanqeyn: Safarkii Weftiga Somaliland ee Kiiniya

0
2195

Oktoobar 2018 ayaa ay Soomaalilaan si rasmi ah uga furatay xafiis “Liaison Office” magaalada Nayroobi ee waddanka Kiiniya. Waxa xafiiska xadhigga ka jaray maalintaas wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaalilaan, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilkii hore ee Soomaalilaan u fadhiyay Imaaraadka haddana ah wakiilka xafiiskaas, Baashe Cawil Xaaji Cumar. Muddo laba sannadood iyo bilo ah baa uu furan yahay xafiiskaasi. Haddaba, xafiiskaasi ma safaarad baa, ma qunsuliyad baa, ma qunsuliyad guud baa, maxaa uu yahay? Xafiiskani waxa uu sitaa oo ku magacaabanyahay waxa loo yaqaan “Liaison Office”. Liaison Office waa xafiis wakiileed ay urur ama hay’ad ka furato waddan kale, looguna talagaley in uu u dhaqmo sida waaxdii waddankaas lagu yeelan lahaa oo kale. Xafiiskaasi ha ahaado mid kaalmo, ganacsi, xidhiidh kale, iwm. Sida oo kale Liaison Office waxa kala furta waddamo aan is aqoonsanayn oo uu ka xarrimayo xeerarka diblomaasiyadeed in ay hawlgal dibadeed oo sharci leh “Diplomatic Mission based on Vienna Conventions in 1961 and 1963” ay kala furtaan.

Waxa ka mid ah; Liaison Office in Hong Kong, waa xafiiska Shiinuhu ku leeyahay gobolka maamulkiisu gaarka ka yahay ee Hong Kong, Liaison Office in Macao, waa xafiis wakiileedka uu Shiinuhu ku leeyahay gobolka maamulkiisu gaarka ka yahay ee Macao, Taipei Liaison Office in Repuplic of South Africa iyo Liaison Office of the Repuplic of South Africa, waa xafiis wakiileedyada ay is dhaafsadeen Taywaan iyo Koonfur Afrika, Inter-Korean Liaison Office, waa xafiis wakiileedka ay wada leeyihiin Kuuriyada Waqooyi iyo Kooriyada Koonfureed. Waxa kale oo ka mid xafiis wakiileedyada ay Qaramada Midoobay iyo ururrada hay’adeed ee hoos yimaadda ay ku leeyihiin dunida badankeed. Soomaalilaan haddaba xafiiskaas oo ay iyadu ugu talagashay in uu u dhaqmo sida “Xafiis Diblomaasiyadeed” ayaa ay ku leedahay magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya.

Intaa ka dib, madaxweynaha Soomalilaan Muuse Biixi oo safar ku tagey magaalada Nayroobi bishan Diisenbar 13keedii, ayaa waxa uu ku soo beegmay iyada oo xidhiidhka Kiiniya iyo Soomaaliya uu muran fara badni ka dhex taagan yahay. Haddaba, intii uu Muuse Biixi joogay Kiiniya waxa uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee Kiiniya, madaxweynaha Kiiniya, wasiirka beeraha, iyo xubno kale oo dawladda Kiiniya ka tirsanba. Intii uu joogay laba kulan oo waaweyn baa ay wada yeesheen weftiga Soomaalilaan iyo madaxweynaha Kiiniya ee Uhura Kenyatta, sida oo kale Muuse Biixi, xafiis wakiileedka Nayroobina waa uu booqday. Deedna shaley oo ku beegnayd 16kii bishan Diisenbar ayaa uu ku soo noqday magaalada Hargeysa. Intii ay joogeen Nayroobi weftigu waxa ay dawladda Kiiniya soo saartay laba warsaxaafadeed oo aynu ku faaqidi doonno qoraalkan, iyo dhammaanba xaaladaha maangalka ah ee ku geddaaman. Waxa intaas ku lammaan in maalintii Muuse Biixi uu la kulmay Uhuru Kenyatta ay durbadiiba habeenkeedii Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay Kiiniya. Sida oo kalena ay dacwad ka dhan ah Kiiniya u gudbisay IGAD iyo madaxweynaha Suudaan, Cabdalla Xamduuk. Dacwaddaas oo ay ku codsanayso in iyaga (Soomaaliya) iyo Kiiniya loogu garnaqo Jabbuuti. Labada warsaxaafadeed ee ay soo saartay intii uu weftiga Soomaalilaan joogay Nayroobi, mid waa uu koobnaa aadna looguma faahfaahin wixii laga wadahadlay, laakiin kulankii labaad ayaa warsaxaafadeed dhammeystiran laga soo saaray, wax badanna lagu caddeeyay oo laga wadahadlay.

Warsaxafaadeedka uu sida wadajirka ah u soo saaray xafiiska madaxweynaha Kiiniya ayaa ka hadlayay qodobo ay ka mid yihiin guud ahaan; in la xoojiyo xidhiidhka labada dhinac, in laga wada shaqeeyo amniga iyo arrimaha argagixiso la dirirka ah ee halista ku ah amniga qaranka, in laga wada shaqeeyo ganacsiga iyo maalgelinta, in laga wada shaqeeyo beeraha, horumarinta xoolaha, waxbarashada, tamarta iyo wada shaqeynta dekedaha Mombaasa iyo Berbera. Sida oo kale in Kiiniya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa, halka Soomaalilaanna ay horumariso xafiiskeeda Nayroobi, in diyaaradda Kenya Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Nayroobi-Hargeysa, in saraakiisha labada dhinac loo oggolaado dokumantiyada socdaalka ee (On Arrival) iyo (E-Visa), in saraakiisha labada dhinac ay iska kaashadaan xogaha iyo dhanka farsamada lagu horumarinayo arrimaha ku saabsan ardayda, beeraha, dhakhaatiirta, nurses-ka iyo xirfadleyda kale, iwm. Waxa xusidda mudan waxa uu yahay in dhammaan qodobadan la isku waafaqay ee lagu heshiiyay ay dhaqangeli doonaan dhammaadka bisha Maarij ee sannadka soo socda ee 2021.

Waxa jirtay in kolkii ay soo cusboonaatay xiisadda u dhexeysay Soomaaliya iyo Kiiniya ay labada dhinac isugu gooddiyeen in ay kala aqoonsanayaan labada goosato ee Soomaalilaan iyo maamulka xeebta Mombasa. Qof kasta oo la socdayna waa uu ku oddorosi karaa in sababta uu hadda heerkan u gaadhay xidhiidhka Soomaalilaan iyo Kiiniya, amaba ku soo beegtay xilligan cakiran ay tahay karbaash iyo tumis diblomaasiyadeed oo ay Kiiniya ku waddo Soomaaliya. Taa beddelkeeda, Soomaalilaan waxa ay kansho/fursad u heshaa kolka Soomaaliya ay waddan kale is qabtaan ama xidhiidhkoodu go’o in ay buuxiso gaabkaas oo ka faa’idaysato xidhiidh ay la yeelato waddankaas. Waxa la mid ahayd safarkii uu sidan oo kale Muuse Biixi ku tagey waddanka Gini-Conackry. Sidaas oo kale, xidhiidhkan aadka u sarreeya ee ay labada dhinac is waydaarsadeen waxa ay faa’ido weyn ugu jirtaa Dawladda Soomaalilaan. Dhanka waxbarashada, Kiiniya waa waddamada ugu horreeya Afrika, Soomaalilaanna ardaydeedu waxa ay heli doonaan waddamo badan oo dokumantiyadooda waxbarashadeed iyo shakhsiyadeedba si fudud u oggol, oo Taywaan, Atoobbiya iyo Kiiniyaba safka hore kaga jiraan.

Dhanka beeraha iyo xoolaha nool, Kiiniya waa waddamada aadka uga shaqeeya ee xirfad ahaan iyo aqoon ahaanba Afrika kaalin weyn kaga jira, Soomaalilaan waxa ay ka kaalmeyn kartaa in beeraha si dihin oo sarreysa ay u helaan xirfad, aqoon, kaalmo iyo tababbarba. Halka xoolaha oo Soomaalilaan dhaqaalaheeduna uu ku tiirsanyahay ay Kiiniya ka faa’idi doonto, dhanka caafimaadka xoolaha, xanaanaynta, daryeelka, ganacsiga, iwm. Soomaalilaanna waxa ay kaalin door ah kaga jirtaa xoolaha Soomaalida ee Geeska Afrika, bogcadda ay ugu badanyihiin. In diyaaradda Kenya Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Nayroobi ilaa Hargeysa, waxa ay kansho weyn u tahay dhammaan shacabka Kiiniya iyo Soomaalilaan. Qof kasta oo dani ka gasho labada dhinac, sida saraakiil, arday, dalxiis, shaqo iyo wax kale oo badanba waxa uu ku qasbanaa in uu soo maro magaalada Addis Ababa ama magaalada Muqdisho. Sida oo kale, kolka duulimaadyada diyaaradaha ee gegida dayuuradaha ee Hargeysa ay kordhaan, kanshada tartanka suuqa ganacsiguna waa uu kordhayaa.

Waxa intaas raaca ahna qodobada ugu muhiimsan, in la bilaabo xidhiidh dhanka gancsiga iyo maalgelinta ah. Maalgelin iyo ganacsi badan kolka ay Soomaalilaan hesho, dhaqaalaha, shaqooyinka, kanshooyinka iyo horumarkuba waxa uu noqonayaa mid aad u weyn oo loo aayo. Aqoonsi la’aanta Soomaalilaan haysataa waa in aanay labadaas heli karin oo aqoonsigu dabar iyo shuruud u yahay. Waa ta kale e, in Kiiniya oggolaato dokumantiyada dhanka socdaalka iyaduna waa kansho kale oo faa’idadeeda aan la qiyaasi karin, haddii ay ganacasato, saraakiil dawladeed iyo ardaydaba noqoto, qodobkaasi wax badan baa uu ka gufeyn doonaa baahiyaha dhanka socdaalka. Ugu dambeyn qodobka xasaasiga ahi waa in labada dhinac iska kaashanayaan dhanka amni-sugidda, xogaha, argagixiso la dagaalanka iyo halisaha kale ee liddiga ku ah amniga qaranka. Arrintani Soomaalilaan koboc weyn oo ku saabsan hay’adaha amniga ayay u tahay. Khibrad, aqoon, xirfad iyo taageera badan ayaa ay ka helayaan hay’adaha amniga ee Kiiniya. Ciidanka sirdoonka, ciidanka hawlagallada gaarka ah, argagixisada caabbinta, iyo waxyaabo kale oo badanba Soomaalilaan waxa ay noqonaysaa mid aad u kobocda.

Kobtaas kolka aynu ka soo gudubno, in Kiiniya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ma wax bud-dhig u ah baa xidhiidh diblomaasiyadeed oo ay ka bilaabayso Soomaalilaan? Ugu horreyn qunsuliyaddu (Consulate) oo u kala baxda saddex jaad oo kala ah: Qunsuliyad Guud (Consulate General); waa hawlgal diblomaasiyadeed oo ku yaalla magaalo weyn oo aan ahayn caasimadda, kaas oo loogu talagaley in uu bixiyo adeeg buuxa oo uu ku jiro adeeggii qunsuliyadda caadiga ah. Qunsuliyad (Consulate); waa hawlgal diblomaasiyadeed oo la mid ah qunsuliyadda guud, laakiin aan wada bixin adeeg buuxa oo la mid ah midka qunsuliyadda guud ay bixiso. Qunsuliyad Sharafeed (Consulate Headed by an Honorary Consul); waa hawlgal diblomaasiyadeed kaas oo loogu talagaley in uu bixiyo adeeg kooban oo xadiddan. Qunsuliyad kolka aad maqasho waa saddexdaas mid ahaan in ay noqoto badanaa.

Haddaba, Kiiniya waxa ay sheegtay in ay ka furanayso magaalada Hargeysa qunsuliyad “Consulate”. Sidaa darteed, adeegga dibadda waxa ay qunsuliyaddu kaga jirtaa kaalinta shanaad, waxa ka horreeya afar ama saddex adeeg, oo kala ah badanaa; Embassy (Safaarad), High Commission (Safaarad Barwaaqo Sooran), Permanent Mission (Ururro Caalami ah), Consulate General (Qunsuliyad Guud), Legation (Xafiis Wakiileed Diblomaasiyadeed oo la adeegsan jirey ka hor dagaalkii labaad ee dunida, waxaana beddeshay safaaradda), iyo Consulate Headed by an Honorary Consul (Qunsuliyad Sharafeed). Kolka aynu ku fiirinno, kuna oddorosno indhaha siyaasadda dibadda iyo xeerarka diblomaasiyadda waxa la oran karaa dawladda Kiiniya waxa ay ka furanaysaa magaalada Hargeysa waa qunsuliyad hoos tagta safaaradda rasmiga ah ee ay ku leedahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Sababta oo ah Kiiniya aqoonsi rasmi ah hore iyo haddaba uma ay fidinin Soomaalilaan, horena uguma ay lahayn safaarad, xataa haddiiba ay ku lahaan lahayd safaarad, waa khalad diblomaasiyadeed in ay qunsuliyad iyo safaarad ka wada furato hal magaalo oo caasimaddii Soomaalilaan ah. Sida oo kale, haddiiba loo eego dawlado aan is aqoonsanayn sida dunida ka jirta, Kiiniya waxa ay ka furan lahayd magaalada Hargeysa Liaison Office oo la mid ah midka Soomaalilaan ay ku leedahay Nayroobi, sida ay Koonfur Afrika iyo Taywaanba isu dhaafsadeen laba xafiis wakiileedyo (Liaison Offices).

Arrinta kale ee u baahan in doc kale laga fiiriyana waa diyaaradda Kenya Airways. Muuse Biixi waxa uu hore xayiraad u saaray labadii diyaaradood ee hortii shaqeyn jirey, kuwaas oo kala ahaa Air Arabia iyo Fly Dubai. Taa beddelkeeda waxa la odhan karaa in sababta keentay in Kenya Airways ay duulimaadyo ka bilowdo Hargeysa iyo Nayroobi ay tahay qorshe lagu barabixin karo labadaas diyaaradood ee hore. Iyada oo haddaba, diyaaradda Ethiopian Airline tahay midda keliya ee kootada loogu xiray duulimaadyada Hargeysa. Xaqiiqo ahaan, aragtidani ma timaaddeen haddii Ethiopian Arline, Fly Dubai iyo Air Arabia ay si wadajir ah uga shaqeyn lahaayeen duulimaadyada Hargeysa. Saddexdoodaas oo Kenya Airways ku soo biirtana horumar iyo guul weyn bay u ahaan lahayd shacabka Soomaalilaan, iyo koboc ballaadhan oo laga sameeyay dhanka ganacsiga hawada (Commerical Aviatiion).

Intaa waxa raaca, ahna qodob u baahan in afka iyo qalinkaba lagu adkeeyo, runtiina la dareemi karo in dadku iswayddiinayaan sababta dhammaan heshiisyadan fulintooda iyo dhaqangalkoodaba loogu asteeyay taariikhda dhammaadka bisha Maarij ee sannadka soo socda ee 2021. Bisha Maarij ee 2021 waxa ka horreysa bisha Feebarweri ee 2021 oo ku astaysan doorashada madaxtooyada ee Soomaaliya. Waxa la saadaalin karaa in Kiiniya ay naawilayso laba qodobba mid ahaan; in is afgarad iyo heshiis dhexmaro xukuumadda hadda jirta oo ay arrimahan kala hadasho, gaar ahaan qodobka diyaaradda iyo qodobka qunsuliyadda, ama in xukuumad cusub haddii ay timaaddo mudaddaas oo aan xanaf ka dhexaynin ay la beegsanayso fulinta qodobadan. Sida oo kale, kolka laga soo taga labadaas qodob, mid saddexaadna maleynta waa uu qaadan karaa oo ah Maarij 2021 waxa ka hadhay waa saddex bilood keli ah. Mudaddaasina waa ammin wax lagu abaabuli karo, waxna lagu dhammeyn karo. Middii ay doontaba ha noqotee, horaa loo yidhi shayddaan baa degdega, sida oo kalena wax la raajiyay kolley khayr kuma jiro. Guntii iyo gunaanadkii waxa aan ku soo afmeerayaa dhaqangalka qodobadani haddii ay dhaboobaan bisha Maarij ee innagu soo aaddan, waa guul iyo horusocod weyn oo shacbiga Soomaalilaan ay gaareen, runtiina ay faa’ido weyn oo aan la qiyaasi karinna ku qabi doonaan. Waxa aan rejayanayaa in uu si habboon oo aan xanaf iyo saxar toona lahayn uu u fulo.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Qoraa iyo Cilmi-baadhe – Kambaalla, Ugaandha.
E. Off: barawaani@indheergarad.com
Email: barawaani@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here