Musharax Xildhibaan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey Oo Kormeeray Goobaha Diiwaangalinta Degmada Sabawanaag

0
1041

Hargeysa,(HargeisaPress) – Musharax Xildhibaan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey, Oo Isla-markaasina ah Gudoomiyaha Dal-weynaha Maraykanka Ee Xisbiga Waddani, oo wakhti-xaadirkan u taagan inuu u tartamo, xubin-nimada Golaha Wakiilada JSL ayaa kormeer balaadhan iyo kusoo maray badi goobaha Goobaha Diiwaangalinta Cod-biyaha ee Deegaanada degmada Sabawanaag.

Musharax Xildhibaan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey ayaa intuu uu ku guda-jiray kormeerkiisan waxa uu wacyigalin balaadhan la wadaagay dhamaan bulshada kala duwan ee ku nool deegaanada hoos-yimaada degmada Sabawanaag, isagoo isla markaasina ku adkeeyey inay ka faa’idaystaan jaaniska oo ay si mugle u wada-qaataan kaadhka cod-bixinta dhamaan bulshada aan hore u qaadan iyo caruurtii markii hore da’doodu u saamixi-wayday inay qaataan.

Musharax Xildhibaan Ibraahin Aadan Aw-Qoobey, ayaa kormeerkiisan waxa uu goob-goob ugu tagay badi goobihii ay ka socotay hawsha diiwaangalintu, isagoo isla markaasina isaga qudhiisu iska diiwaangaliyey goob kamida goobihii diwaan-galinta ee degmada Sabawanaag

Halkan Hoose Ka Daawo Warkan oo dhamaystira:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here