Farmaajo iyo Wafti uu Hogaaminayo oo U Ambo-baxay Jabuuti

0
956
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in diblumaasiyiinta Soomaalida ay Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Dhanka kal,e madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Safarkan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dhowaan Soomaaliya warqad cabasho ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra’iisal Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa u yeedhatay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here