Fanaankii Axmedeey Abuukar Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

0
628

Muqdisho (HP): Waxa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allah ha u naxariistee hoobalkii caanka ahaa ee Axmedeey Abuukar Al-Camaari oo Soomaalidu fankiisa iyo shakhsiyadiisa labadaba aad u jeclayd.

Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacaday waxa uu Axmedeey Abuukar, u qaxay dalka Yemen oo uu muddo ku noolaa.

Markii dambe waxa uu joojiyay hawlihii fanka ama haddii sida dadka badankiisu u yidhaahdaan loo dhigo waxa uu ka baxay fankii oo waxa uu mu’adin ka noqday masaajid.

Shaqada mu’adinnimadu kuma cusbayn Axmedeey, waxaana sidaa xaqiijiyay hoobalka Maxamed Xasan Barrow oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen kana wada tirsanaan jireen kooxdii Hoballada Waaberi.

Barrow, oo isagoo Muqdisho jooga BBC-du la xidhiidhay ayaa yidhi “Intaanu fanka soo gelin mu’adin buu ahaa oo masaajid Shibbis ku yaal ayuu ka adimi jiray”.

Allah ha u naxariistee Axmedeey Abuukar,  waxa uu qaadi jiray heeso jacayl ah iyo qasaa’id Nabi ammaan ah labadaba oo aad loo jeclaa.

Waxa kaloo uu Axmedeey Abuukar, ahaa mullaxin codadka lagu qaado heesa u sameeya. “laxamiiste weyn uu ahaa, heesaha uu qaado oo idil laxamadiisa qaabka loo qaado iyo siiqada isagaa samayn jiray” ayuu yidhi Barrow.

Fanaan Maxamed Xasan Barrow, waxa kaloo uu sheegay in hoobalka Axmedeey uu dhawaan ka soo noqday dalka Yemen oo uu muddo ku noolaa bukaan socod-na uu iska ahaa waayadii u dambeeyey ee uu Muqdisho joogay.

Hoobalku riwaayado badan ayuu wax ka dhigay. Hooballo badan oo hablo ahna heeso talan taaliya ayay wada qaadeen.

Heesahiisa kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah heesta Qaahira oo ay dad badani sheegaan in ay ku timid qiso jacayl oo dhab ah oo dhacday.

Waxaa arrintaasi xaqiijinaya Maxamed Xasan Barrow, waxaanu yidhi “Qaahira qisa jirtay ahayd…… calaa kulli xaal waa nin taariikh ku leh fanka ayuu ahaa Axmedeey Abuukar Alcamaari”.

Naxariista Janno Allah ha ugu deeqo Axmedeey Abuukar Alcamaari ehelkiisii iyo ummadii jeclayd na samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Xigasho: BBC Somali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here