Falanqayn: Maxaa laga filan karaa Guddida Dhexdhexaadinta ee gacanta ku haysa Khilaafka mucaaridka iyo Xukuumadda KULMIYE?

0
688

Hargeysa,(HargeisaPress)- Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa Caasimadda Hargeysa Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) oo ka qaybgalay barnaamijka falanqaynta wararka ee telefiishanka Bulsho TV caawa (04/12/2019), waxna laga weydiiyey arrimo la xidhiidha khilaafka u dhexeeya xisbiyada mucaaridka ah iyo Xukuumadda KULMIYE, ayaa sheegay in Guddida Dhexdhexaadinta ee isugu jira Culimada iyo ganacsatadu ay rajo fiican ka muujiyeen inay khilaafkaas soo  afjaran.

Waxa kaloo uu Tifaftire Maxamed Cirro uu xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumadda ka codsaday inay ku dedaalaan sidii ay isugu tannaasuli lahaayeen, kana wada shaqeeyaan in la qabyo-tiro xeerarka khuseeya doorashooyinka Somaliland ee inta badan sababa khilaafyada siyaasiga ah, isagoo xusay in laga soo bilaabo ilaa sannadkii 2007-kii, ilaa 2009 ilaa hadda oo lagu jiro 2019 uu Somaliland ku soo noqnoqday khilaafka ka dhashay qaabka loo soo xulayo xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaannu ku taliyey in wax laga barto khilaafyadii hore u soo maray Somaliland.

Haddaba, halkan ka daawo muqaalka falanqaynta telefiishanka Bulsho TV ee lala yeeshay Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro).

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here