Faarax Macallin: Madaxweyne Geelle Wuxuu Rumaysan Yahay In Soo Kabashada Soomaaliya Ay Hadhaynayso Hoggaankiisa iyo Hantida Uu Ku Haysto Jabuuti

0
2849

Nairobi (Hargeisa Press) — Siyaasiga Faarax Macallin oo mar soo noqdey Guddoomiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka ee dalka Kenya ayaa weerar ku qaaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Faarax Macallin, oo Qoraal uu soo dhigey Barta uu ku leeyahay twitter-ka, ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Jabuuti mid ”qoonsanaya soo noqoshada Soomaaliya.”

”Geelle wuxuu rumaysan yahay in soo kabashada Soomaaliya ay hadhaynayso hoggaankiisa iyo hantida uu ku haysto Jabuuti,” ayuu yidhi siyaasi Faarax Macallin.

Siyaasi Faarax Macallin ayaa waxaa uu nasiib daro aad u weyn uu ku tilmaamay in Madaxweyne Geelle uu Jabuuti u rogay dal qoys.

”Geelle wuxuu tobbaan sano saaxiib dhow la ahaa TPLF wuxuuna xeeladaysi taban ka wadaa Soomaaliya. Nasiib xumo Jabuuti waxaa dal qoys u rogey Madaxweyne Geelle.” Ayuu intaas sii raaciyay.

Faarax Macallin oo muddo dheer xildhibaan iyo Guddoomiye Xigeen ka ahaa Baarlamanka Kenya ayaa ah siyaasi si weyn uga faallooda arrimaha gobolka, gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Jabuuti ayaa Soomaaliya u qabatay waxyaabo ay ugu badan yihiin shirar dib u heshiisiineed iyadoo ay Soomaali badani aad u amaanto doorkeeda Soomaaliya, balse waxaa jirta Soomaali kale oo aad u dhaliisha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here