Faarax Macalin oo Weeraray Farmaajo, Kuna Tilmaamay Fulay

0
917

Nairobi (Hargeisa Press) – Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ah baarlamaanka Kenya oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dhaliilay markii ugu horeysay, isagoo ku tilmaamay ‘fulay ku dhiiran waayey in Soomaaliya uu ka xoreeyo Al-Shabaab.

Faarax Macalin oo wareysi siiyay TV-ga Universal, ayaa sheegay in Farmaajo uu dhowr jeer kala hadlay dagaalka Al-Shabaab, balse uu noqday nin aan go’aan laheyn oo u hoggaansamay rabitaanka reer Galbeedka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisii Kheyre ay is khiyaameen, “Kheyre wuxuu xidhiidh la lahaa Axmed Madoobe, waxayna is tuseen hadii Bu’aale la xoreeyo in Axmed uu meesha ka baxayo, markaa way is khiyaameeyeen Farmaajo iyo Kheyre,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faarax Macalin.

Wuxuu sheegay in waayahaas ka Faarax ahaan uu aad u doonayey in meesha laga saaro Axmed Madoobe, Al-Shabaab-na dagaal lala galo, balse Farmaajo uu qaada waayay wax go’aan ah oo geesinimo ku jirto.

Mar la weydiiyay sababta uu uga aamusi jiray qaladaada dowladii Farmaajo ayuu sheegay in markii la laayay askartii Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo markii la dhiibay Qalbidhagax, uu si cad u sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay meeshii ugu sareysay ka bilaabeen khaa’inimo tii ugu xumayd.

Mar uu tilmaamay dhibaatooyinkii haystay Farmaajo wuxuu sheegay inuu ahaa nin ka cabsada in shacabkiisa uu la hadlo, “Xitaa hadaa qalad gashay waa inaad dadka la hadasho oo sidii ay wax u dhaceen u sheegto, wixii la qalday aad saxdo, dadkii qaldana aad tallaabo ka qaado, dadku markaas way qancayaan,” ayuu yidhi.

Faarax Macalin, ayaa ugu dambeyntii sheegay in Farmaajo aad loo khiyaamayey, sidoo kalena isagoo niyad fiican uu ahaa fulay ay dhibeysay inuu shacabka Soomaaliya toos ula hadlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here