WhatsApp oo Billaabaya Hab Cusub oo Dad-badan Ay Isku Wici Karaan

0
1143

Milkiilaha shirkadda tiknolojiyadda Meta, Mark Zuckerberg, ayaa shaaciyay in barta WhatsApp ee ay boqollaalka milyan ee qof ku wada xidhiidhaan ay todobaadkan soo bandhigi doonto hannaan cusub oo ay dadku isku wici karaan iyagoo adeegsanaya mareeg la wadaagi karo.

Hannaankan oo loogu magac daray “Call Links” ayaa isticmaalaha u sahlaysa inuu sameeyo link ama mareeg, kaas oo ay ku soo biiri karaan illaa 32 qof oo kale, sidaasna ay ku sheekaysan karaan.

Wicitaanka noocan oo kale ah, ayaa dadku waxa ay ku heli doonaan maqal iyo muuqaalba.

Mark Zuckerberg, oo farriin soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa sheegay: “Waxaynu WhatsApp-ka ku soo daraynaa hab wax lagu waco laga bilaabo todobaadkan, markaas oo aad dadka la wadaagi kartid link aad wicitaan ku samayn kartid. Sidoo kale waxaynu tijaabinaynaa hannaan muuqaal aanan xogtiisa la jabsan karin oo ay soo geli karaan illaa 32 qof. Dhawaan fisha xog intaasi dheer.”.

Barta WhatsApp oo ay dadku farriimo isugu diraan iskuna wacaan, ayaa hawada waxaa la soo geliyay bishii Janawari ee 2009, iyadoo markii dambana uu boqollaal milyan oo doolar uu kula wareegay milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here