Eriteria oo Sheegtay in Ciidamadeedu Dileen Boqolaal Askari oo Itoobiyaan ah

0
821

ASMARA , (HargeisaPress) —Dawlada Eritrea ayaa sheegtay in ciidamadeedu dileen in ka badan 200 oo askari oo Itoobiyaan ah, isku dhac dhawaan ka dhacay xadka in badan lagu muransanaa ee u dhexeeya labadaa dal kadib.

 

Todobaadkii hore ayaa iska hor imaad dhacay waxaa labadaa dal midba midka kale ku eedeeyay in ciidamadiisu ay dhibkaa horseedeen.

 

Intii u dhexeysay sanadihii 1998 iyo 2000  ayaa waxaa halkaa ku dhex maray ciidamada dalalkaa dirir ba’an.

 

Warkan oo HargeisaPress ka soo xigtay Wakaalada wararka ee AFP waxa uu intaas ku darayaa in Dhan walba wuxuu sheegay in dhanka kale uu khasaare weyn gaadhsiiyay. Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego dhacdadii dhawaan dhacday, Itoobiya kama aysan hadlin tirooyinka dadkii halkaa ku naf waayay.

 

Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay dawlada Itoobiya oo lagu magacaabo Getachew Reda ayaa Salaasadii lasoo dhaafay si guud u sheegay in khasaare ba’an dhan walba uu la galbaday balse khasaaraha ugu weyn uu gaaray Eritrea.Wax maxaabiis dagaal ah lagama hadlin innaba.

 

Xog-hayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa ka dalbay labada dawladoodba inay sida ugu weyn ee ay u awoodaan u isticmaalaan xaddidnaan iyo inay ku xallilaan xurgufta u dhexeysa si nabdoon.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here