Ergadda Dhex-dhexaadinta Muranka Doorashooyinka JSL Oo Go’aamo Soo Saaray

0
214

Hargaysa (HP): Guddiga madax dhaqameedka ah ee isku xil qaamay xalinta khilaafka siyaasadeed ee doorashooyinka Somaliland ayaa caawa go’aamo soo saaray.

Xubnaha guddigan madax dhaqameedka oo muddo ku hawlanaa raadinta xalka muranka doorashooyinka ayaa shaaciyay sagaal qodob oo khilaafkaasi lagu soo af-jarayo.

Ergadan madax dhaqameedka oo hore u shaaciyay in ay kalsooni buuxda siiyeen dhinacyadda ku herdamaya khilaafka doorashooyinka ee xisbiyadda mucaaradka ah, iyo xukuumadda ayaa go’aamadoodda u cuskaday asbaabo ay sheegeen in ay macquul u arkaan.

Waxaana ka mid ahaa qodobadda go’aanka ay soo saareen madax dhaqameedku in doorashadda ururadda siyaasadda ee ku beegnayd 28-ka bisha December, ee sanadkan 2023-ka dib loo dhigo, lagana dhigo 13-ka bisha November ee sanadka 2024-ka.

Sidoo kale waxaa qodobadda ku jiray in la isa saarro doorashada madaxweynaha, iyo ku-xigeenka, iyo doorashadda ururadda siyaasadda, iyo xisbiyadda la na qabto 13-ka bisha November ee sanadka 2024-ka, iyagoo isku sidkan.

In doorashadda ururadda iyo xisbiyadda ee ku beegan 13-ka November 2024-ka ay galaan dhamaanba tobanka urur siyaasadeed ee soo baxay, iyo saddexda xisbi qaran ee hadda jira.

In xisbiyadda, iyo ururadda loo sameeyo muddo kordhin, si ay u galaan doorashadda madaxtooyadda ee ku mudaysan 13-ka November ee sanadka 2024-ka.

Dhinaca kale ergadu waxay go’aamo ka soo saartay dhacdooyinkii ay fuliyeen kooxda hubaysan ee buurta Gacan Libaax.

Qudh iyo qoonba waxyeeladii ay gaysteen maleeshiyadda Gacan Libaax, waxaa bixinaya beesha ay ka soo jeedaan kooxdu. Waxaanay si gaar ah ganaax uga soo qaadeen sarkaalkii Maydkiisa madaxa lagaga istaagay, oo ay saareen 50 Halaad oo tacsiir ah.

Waxaanay dawladda ka codsadeen in cafis u fidiso maleeshiyadda buurta Gacan Libaax, halka ay sidoo kalena maleeshiyadda u soo jeediyeen in ay soo celiyaan dhamaanba wixii gaadiid, iyo hanti ahaa ee ay dhaceen.

DAAWO: Go’aamadda ay madax dhaqameedku soo saareen:

AKHRISO GO’AAMADAASI OO QORAAL AH:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here