Ururadda Siyaasadda JSL Oo Qaadacay Go’aamadda Ergadda Dhex-dhexaadinta

0
260

Hargaysa (HP): Ururadda siyaasadda Somaliland ayaa qaadacay go’aamadda ay soo saareen ergada dhex-dhexaadinta khilaafka doorashooyinka.

Waxaanay go’aankaasi ku tilmaameen in aanay aqbalaynin go’aamadda ay soo saareen guddiga madax dhaqameedka ee iyadu isku xil qaamay xalinta muranka ka taagan doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha urur siyaasadeed HORSEED ahna af-hayeenka ururadda siyaasadda C/laahi Xuseen Iimaan (Derawal), oo mawqifkooda ka hadlay ayaa sheegay in aanay aqbalaynin qodobadda ay ergadda madax dhaqameedku soo saareen.

Inkastoo ay hore kalsooni buuxda ergada u siiyeen hogaanka ururadda siaayasadu, ayaa hadana C/laahi Derawal, waxa uu ku dooday in qodobadda ay guddiga ay soo saareen aanay waafaqsanayn waxyaabihii ay kalsoonidda ku siiyeen.


Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed, oo si kooban uga hadlay mawqifka ay ka taagan yihiin go’aanka ergadda ayaa xusay in ay berito si faah-faahsan, oo sababaysan ay uga hadli doonaan waxa ku kalifay in ay qaadacaan.

DAAWO: C/laahi Derawal Oo Mawqifka Ururadda Ka Hadlaya:

Dhinaca kale Cumar Shucayb, oo isna u hadlay ururka WAABERI ayaa sheegay in aanay aqbalaynin go’aamadda guddiga dhex-dhexaadinta, isla markaana ay urur ahaan gebi ahaanba diidan yihiin qodobada ay ergadu soo saartay.

DAAWO: Cumar Shucayb Oo Mawqifkoodda Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here