Shirka Isbeddelka Cimilada iyo Ammaanka Geeska Afrika Oo Hargaysa Ka Furmay

0
261

Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa ka furmay shirka Isbedelka Cimiladda, iyo Amaanka dalalka Geeska Afrika, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland.


Waxaana shirkani mudadda uu socdo lagu soo bandhigi doonaa cilmi baadhisyo la xidhiidha saamaynta xun ee isbedelka cimiladu ku yeeshay wadamadda gobolka Geeska Afrika, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa wax ka qabashadda arrintaasi.

Sidoo kale waxaa shirkani qayb ka ah oo la qaban doonaa dooddo la xidhiidha arrimaha isbedelka cimiladda, iyo iskaashiga amaanka ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo na ay ka qayb qaadanayaan aqoon yahano iyo khubarro deraasado ku sameeyay isbedelka cimiladda, iyo amaanka gobolka.

Shirkani oo ka ka qabsoomaya xarunta Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland (Academic for peace and development), ee magaaladda Hargaysa, waxaa furitaankiisii ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyo wufuud ka kala socday dalalka Geeska Afrika.


Sida Ethiopia, Kenya, Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno ka mid ah aqoon yahanka reer Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Dr. Edna Aadan Ismaaciil, guddoomiyaha xarunta Dhaqanka Hargaysa Jaamac Muuse Jaamac, Dr. Xuseen C/laahi Bulxan, safiirro ka socday dalalka Geeska Afrika, iyo cilmi baadheyaal, aqoon yahano, iyo marti sharaf kale.

Waxa kaloo shirkani ka qayb galay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, agaasimaja guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, xubno ka socday Sahan Research, khabiirro ka socday haayadaha caalamiga ah, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo furitaanka shirkani hadal la jeedisay ayaa uga mahad celisay Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta qabashadda shirkani lagaga hadlayo Isbedelka Cimiladda, Deegaanka, iyo Amaanka gobolka Geeska Afrika.

Wasiirku waxay ka warbixisay taariikhda Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland, iyo kaalintii uu ka soo qaatay hawlihii dib-u-dhiska dalka iyo dawladnimadda, isla markaana uu sameeyay cilmi baadhisyo fara badan, oo u baahan in dib loogu noqdo si looga faa’iidaysto.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ku boorisay martida, iyo ka qayb galeyaasha shirka in ay maanka ku hayaan in loo midoobo wax ka qabashadda saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Geesta kale dudoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, oo shirkaasi furay ayaa u mahad celiyay dhamaanba ka soo qayb galayaasha shirka.


Waxaanu tilmaamay in shirkani uu yahay mid muhiimadiisa leh, isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan doodaha laga jeediyo ardayda jaamacadaha dalka wax ka barta.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here