Eng Maxamed Xaashi Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Wada Hadalka Fashilmay iyo Isku Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo

0
780

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay sida uu u arko isku shaandhayntii ugu dambaysay ee uu Sameeyey Madaxweynaha Somaliland iyo diidmada uu C/casiis Maxamed Samaale diiday qabashada wasaaradda loo wareejiyey, waxaanuu sheegay in uu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu cidda uu doonana magacaabo cidda uu doonana shaqada ka eryo ama uu bedelo.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo Khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay wada hadallada Somaliland iyo Somalia, waxaanuu sheegay in marka horeba ay khalad tahay in Somaliland ay wada hadal la furto Somalia, isla markaana ay laba qof ku diideen markii uu wasiirka ahaa oo golaha wasiirada la keenay in wada hadal lala furo.

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo ugu hooray ka hadlaya waxa hadallada Somaliland iyo Somalia waxa uu yidhi “Wada hadallada Somaliland iyo Somalia markii ugu horraysay ee la keenay golaha Wasiirada markii aan Wasiirka Maaliyadda ahaa laba qof ayaanu ku diidnay oo aniga iyo Gabadha Nimco Xusen Qawdhan la yidhaahdo ee Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ah ayaa diidnay, markaa lagamana wada tashan oo anigu waxaan ku sababaynayey diidmadayda in wax aynu Somalia ku wada hadalnaa aanu meesha oolin oo aynu kala tagnay oo aynu goosanay oo dhiig badanina ku daatay oo aynu tuurnay dawlad nimadii 1960-kii oo aynu qori caaradii kula soo noqonay, markaa Somalia ayaa la heshiisiinayaa oo inaynu u tagno ma ahayn oo waxaynu noqonaynaa markaa dad cadhooday, hadaba wada hadalladii waxa ka soo baxay in mid nimadii dib loo soo celinayo oo la ladqabayn karo halkiina lagu soo noqon karo ayaan u arkay, iyagu marka ay hadlayaanna waxa ay ku hadlaan mid nimada Somalia waa muqadas, inaguna waxaynu nidhaahnaa gorgortan malaha madax bannaanida Somaliland oo waa muqadas, kolkaa laba meelood oo kala fog ayeynu kala joognaa”

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Markaa laba dawladood oo isku yimid maynaan ahayne inagu ayuunbaa dawlad ahayn oo 1960-kii qaadanay oo iyaguna inaga ayuunbay inagu soo biireen oo Talyaani ayaa gumaysanayey, waliba inaga oo ogolaanay in caasimaddu xagooda ahaato oo ay masuuliyiinta waaweyn oo dhan ay qaateen, ayey hadana damceen inay ina qaldaan, inaga oo Somaliweyn raadis ah u galnay sidaas, markaa tii inaga gaadhayna waa la ogaa oo waxa inaga inala godboonaa in aynu dhulkeena hagaajisano wuu inagu filan yahaye, kolkaa waxaad moodaa inaga uun ma ahee in Afrikaan-kaba ay lacag-baa la idin siinayaa inay hunguriga ka qaaday, markaa wax aynu kula hadalnaaba ma yaallaan Somalia, nimankan ay soo direenna waa dambiileyaal aan imann Karin dalka oo in lala hadlaba ma aha”

Eng Maxamed Xaashi oo la waydiiyey sida uu u arko isku shaandhayntii Madaxweyne Siillaanyo iyo arrinta Wasiir Samaale, waxa uu yidhi “Horta Madaxweynuhu waxa uu ku jiraa weli wakhtigiisii, inkasta oo ay bilahan dambe tahay sidii loo qaban qaabin lahaa Doorashada in la qabto, hadana Madaxweynuhu taas kumuu mashquuline waxa uu ku mashquulay isku shaandhayn iyo waxyaabo kale, sikastaba ha ahaatee Madaxweynuhu isaga ayaa cidda uu doonana magacaaba cidda uu doonana ka erya shaqada oo waa sharci uu leeyahay Madaxweynuhu, Markaa ima Eryi karaba lama odhan karo oo Ninka yidhaahdaaba wuu khaldan yahay, in la yidhaahdo ilama tashanna dee maxaa lagala tashan isaga ayaaba xilka la saaray oo la doortaye maxaa laga wada tashan, haddii ay isaga sidaas la noqotay in sidaa lagu aamuso oo lagu daayo ayey ahayd, wakhtigan Isku shaandhaynta la sameeyeyna wakhti haboon ma ahayn oo muddadiisiiba waxa ka hadhay dhawr bilood, anigu ninkii uu Samaale bedelay ayaan ahay oo waxaaba suurta gal ah in si kaleba loo qaatee, anigu waxaanqabaa in uu Madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu magacaabo iyo inuu Eryaba”

Siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Markaa waxay u muuqataa tan la yidhaahdo way kordhisanayaan oo wax la kordhinayana ma garanayo, muddo kordhintuna waxa ay timaaddaa marka ay yimaadaan wax doorashada laga qaban kari waayo ayuunbaa la kordhin karaa, Golaha guurtiduna inta ay marka hore oo dhan iska aamusaan ayey marka dambe yidhaahdaan waanu kordhinay oo waa sharci darro ay marar badan ku soo dhaqanay, Guddoomiyaha Guurtiduna inuu Golaha keenaba ma aha inuu golaha keeno wax ka baxsan sharciga inuu keeno ma aha iskadaa kordhise”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here