Maamul Xumada Iyo Musuq Maasuq Golaha Deeganka Gabiley Waxaa Ka Masuul Ah Mayarka Gabiley ” Ku Takrifalka Hantida Umada + SAWIRRO

0
1075

Gabiley , (HargeisaPress) — Masuliyiinta Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley Oo Gadiidka shicibka soo Iibsadey Baabuurtii dawladana Geerashka dhigey iyo Doorkii wasaaraada hawlaha guud oo meesh ka maqan.

Baabuta Cusub Ee Mayarka Gabiley
Baabuta Cusub Ee Mayarka Gabiley



waxaa mudooyinkii u danbeeyey indhaha bulshada reer gabiley qabanayey masuuliyiinta kala duwan ee dawlada hoose ee degmada gabiley oo isticmaalaya Gaadiid ay ku dhagsan yihiin numberada shicibka oo ay soo iibsadeen, waxaan mudooyinkan danbe badaleeyeen baabuurta yar yar ee raaxda oo aad moodo inay ku Tartamayeen badalaadood iyo numbaradood, iyada oo lacagta lagu soo iibinayo laga isticmaalo hantida umada ee ay masuulka ka yihiin.

DAYAC NAANTA BAABURTA DAWLADA IYO DARYEELKA GAADIIDKA GAARKA LOO LEEYAHAY
DAYAC NAANTA BAABURTA DAWLADA IYO DARYEELKA GAADIIDKA GAARKA LOO LEEYAHAY


sidoo kale baabuurtii kala duwan ee ay masuuliyiintani lahayaaen ayaa la dhigey geerash ku yaala degmada Aransiyo ee ka Tirsan gobolka gabiley, baabuurtani ayaa wax ay la fadhiyaan cilado soo gaadhay, walaw ku dhawaad 4bilood inbadan ay yaalaan maadaam ay dawlada hoose tahay halbawlaha labaad ee dhaqaalaha dalka gaadhi kasta oo ciladi soo gaadh si dhakhsaha waxa looga qaban karo. sidoo kale wasaarada hawlaha guud iyo guryeyta oo qaranka masuul uga ah gaadiidka dawlada ayaan haba yaraatee wali waxba kala soco arintani. iyada oo tahay ina masuulkasta oo xil u haya xukuumada somaliland ay tahay inuu u hogaansanaado shuruucda iyo xeernidamiyaha dawlada iyo astaamaha dawladnimo ee dalka u yaala ayaan gabi ahaanba ka muuqan masuuliyiintani.

DAYAC -NAANTA GADIIDKA DAWLADA
DAYAC -NAANTA GADIIDKA DAWLADA



Wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta ayaa iyadu shaqadii ay qaranka u haysay gabi ahaanba gabtey, isla markaan waxa kormeer ama indho indhayn ah aan kusameyn gaadiidka dawlada ee ay masuulka ka tahay, hadii gaadhi dawladeed la iibinayo wax waajib ah ina wasaaradu ogaato siyaabaha loo iibiyo iyo waxlagu iibiyeyba, si loo xakameeyey gaadiidka dawlada. hada wasaarada hawlaha guud ayaan guud ahaanba ka shaqeynin gobolka gabiley xafiisna aan ku lahayna waxa kormeer ah ku sameynin gaadiidka dawlada ee ku sugan gobolka gabiley

GAADIIDKA YAR YAR EE LOOGU TALOGALAY SALADA XAAFADAHA
GAADIIDKA YAR YAR EE LOOGU TALOGALAY SALADA XAAFADAHA



si kastaba ha hatee waa nasiib daro ah ina gaadiiidkii dawladu mudo 4biloodka badan uu kharas la,aan u yaalo geerakh ku yaala magaalada arabsiyo halka masuuliyiintii siticmaalayeyna ay ku Tamashleynayaa baabuur bareefad ah o ay hantidii umada kasoo iibsadeen haayadaha dawladuna aaney war u haynina


Mukhtar Abdirahman

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here